Rasaas laga maqlay xaafado ku yaalla magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana dadka deegaanka ay layaab ku noqotay rasaasta saaka mar qura ka bilaabatay magaalada Gaalkacyo.

Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rasaasta ay ka dhaceyso goob la sheegay in dhismayaal cusub ay ka socoto kuna taala xuduuda Galmudug iyo Puntland ay ka wadaagaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dagaalka oo saaka bilowday ayaa la sheegayaa inuu ka bilowday dhismaha halkaasi ka socda, waxaana dadka dagaalamaya ay kasoo horjeedaan dhismayaashaasi la sheegay in maamulka Galmudug uu ka hergelinayo deegaanka.

Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa ku biiray dagaalka.

Lasoco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com