Jahwareer ka taagan ergada soo xuleysa baarlamanada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalinta barri ah magaallooyinka Cadaado iyo Kismaayo, ay gaarana xubno ka tirsan Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka dalka oo uu hogaamin doono Guddoomiyaha Guddiga Cumar Maxamed Cabdulle ”Cumar Dhagey”

Guddigaani ayaa lagu wadaa in labada magaalo ay kula kulmaan Ergooyinka la filaayo inay soo xuli doonaan Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo kan Sare ee Baarlamaanka Somalia.

Cumar Maxamed Cabdulle iyo Xubnaha ku wehlin doona booqashada Cadaado iyo Kismaayo, ayaa shirar gaar gaar ah la qaadan doona Ergada si ay ugala hadlaan qaabka loo soo xulaayo Xildhibaanada iyo sida xal dhex dhexaad ah looga gaari lahaa.

Ujeedka ugu weyn ee socdaalka Guddiga ayaa ah kadib markii isfahan’waa uu ka dhexcurtay Ergooyinka kala ceynka ah ee diyaarinaaya xulista labada Aqal ee Baarlamanaka, waxaana lagu wadaa in Guddiga ay xal u raadiyaan is fahan’waagaasi.

Jahwareerka ugu badan ayaa ah wakhti yarida Guddiga ka heysata dhanka la kulanka Ergada kala mowqifka ah iyo hanaanka la doonaayo in lagu hirgaliyo doorashada.

Guddiga ayaan u saamaxeynin inay isku qabtaan Kormeerka Gobolada, Dajinta nidaamka xulista Xildhibaanada iyo diyaarinta hanaanka doorashada dalka, waxaana mar waliba suuragal noqon kara hoos u dhac ku imaada miisaankii laga filaayay Guddiga.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonta socdaalka la filaayo in Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka ay ku gaarayaan magaalooyinka Cadaado iyo Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com