Sawirro: Haweeney muslim ah oo ka yaabisay dunida kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Haweeneydaani oo lagu magacaabo Gisele Marie, una dhalatay dalka Brazil, ayaa sheegtay inay aad u jeceshahay Heesaha kabanka ah.

Gisele Marie oo ah Haweeney Muslim ah ayaa kasoo horjeesatay inay joojiso heesaha maadaama ay tahay qof Muslim ah, waxa ayna sheegtay in Muslinimadu ay gaar tahay, halka aaminaada Heesahuna ay tahay mid gaar ah.

Haweeneydaani lagu magacaabo Gisele Marie oo da’ ahaan jirta 42 sanno ayaa sheegtay in shaqsi ahaanteeda ay u kala soocan tahay aaminaada diinta iyo Heesaha.

Gisele Marie, waxeey kasoo jeedaa qoys Kirishtaan ah, balse iyada waa islaam aabaheedna goordhow ayuu geeriyooday.

Gisele Marie, waxeey hada ku mashquulsantahay duubista Cajil soo bixi doona dabayaaqada sanadkan sii dhamaanaya ee 2016.

Gabadhaan ayaa iyadoo wadata xijaabka iyo indhoshareerka ay gabdhaha muslimiinta xirtaan, waxeey garaacdaa qalabka Muusikada.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13