Xog kusoo korortay doorashada iyo xareynta ergada oo la isku…

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan gudiga Doorashada dadban ee heer federaal ayaa shaaciyay arimo cusub oo ku saabsan doorashada Soomaaliya iyo soo xulida xubnaha baarlamaanka dooranaya sanadkaan.

Xubno kamid ah gudiga ayaa dhawaan kasoo laabtay safaro ay ku tageen magaalooyinka qaar ee ku yaala dalka Soomaaliya, waxaana ay ka sheekeeyeen kulamo ay lasoo qaateen waxgaradka ay kula kulmeen magaalooyinka booqashada ay ku tageen.

Maxamed Keynaan oo ka mid ah xubnaha gudigaasi islamarkaana ah afhayeenka gudiga oo ku sugan magaalada Garowe ayaa ka sheegeeyay kulamo odayaasha ay la qaateen iyo goorma la go’aamiyay in la xareeyo ergada soo xuleysa xubnaha baarlamaanka.

“Annaga howlahan ayaa meel walbo u tagnay oo aan lasoo kulanno madax dhaqameedka, liiskana inoo soo gudbiyaan 2 todobaad gudahood, Ugu dambeyn Liiska ergooyinka waa in aynu innagu haysannaa ama madax dhaqameedka usoo gudbiyaan guddiyada heer dowlad goboleed 12-ka bisha soo socota” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday qaabka ay ula macaamilayaan deegaanada Somaliland, maadaama madaxda Somaliland ay sheegeen in doorashooyinka sanadkaan Muqdisho ka dhacaya aysan waxba ka quseyn.

“Arrimaah qaarkood waa laga heshiisyey, howshaasi kama duwana howlaha kale aynu ka hayno maamullada meelaha ay ka jiraan, shuruudaha waa sidooda, meelaha lagu kulmaya arrimaha ku aadanna wey socdaan, wixii dhiman ee su’aallo ka taagan yihiin wey socdaan, mana rajeynayno inay yimaadaan dhibaatooyin howshaasi ka hor yimaada”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com