Abiy Ahmed oo ciidamada Ethiopia amray dagaal lagu qaado gobolka Tigray-ga

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu ciidamada militariga amray inay jawaab ka bixiyaan “weerar” xisbiga maamula gobolka Tigray ku qaadeen xero ay ku jireen ciidamada federaalka.

“Kooxda TPLF waxay weerareen xero militari oo ku taalla gobolka, waxayna isku dayeen inay bililiqeystaan hanti militari,” ayuu Abiy ku yiri qoraallo uu soo dhigay facebook iyo twitter.

“Ciidamadeena difaaca waxaan amray inay fuliyaan howl-gal lagu bad-baadinayo dalka. Waxaa laga gudbay diilintii ugu dambeysay ee caseyd. Waxaa ciidamada loo adeegsanayaa tallaabada kama dambeysta ah ee lagu bad-baadinayo shacabka iyo dalka,” ayuu yiri.

Illaa iyo hadda wax faah-faahin lagama hayo weerarka la tuhunsan yahay inuu ka dhacay gobolka Tigray, waxaana gobolka laga jaray isgaarsiinta iyo internet-ka.

Waxaan sidoo kale caddeyn inta ay la ekaan doonto jawaabta ay bixinayaan militariga federaalka, inkasta oo diblomaasiyiinta iyo taxliiliyayaasha ay muddo ka digayeen in is mari-waaga u dhaxeeya dowladda iyo TPLF uu isku rogi doono dagaal buuxa.

TPLF ayaa muddo ku dhow 30 sano xukumayey Ethiopia ka hor inta anau Abiy xukunka la wareegin sanaddii 2018.

Intii uu xukunka hayey Abiy, hogaamiyayaasha Tigray ayaa si joogto ah uga cabanayey in si aan caddaalad aheyn loola beegsaday dacwado la xiriira musuq-maasuq, laga eryey xilal badan oo sare, islamarkaana dusha laga saaray mas’uuliyadda dhibaatooyinka dalka ka jira.

Xiisadda labada dhinac ayaa kasii dartay horranatii sanadkan markii dowladda ay dib u dhigtay doorahsooyinkii dalka, ayada oo qiil ka dhiganeysa cudurka Coronavirus, taasi oo ay ka hor-yimaadeen TPLF.

Gobolka Tigray ayaa kadib sheegay inuusan aqoonsaneyn dowladda Abiy, oo ay sheegeen inuu waqtiga ka dhammaaday bishii August, waxayna qabteen doorasho u gaar ah, taasi oo dowladda iyana ay dhankeeda sheegtay inaysan aqoonsaneyn.

Ma cadda sida xaaladda ku dambeyn doonto, hase yeeshee waxay u muuqataa in Ethiopia ay lugaha la gashay dagaal muddo laga cabsi qabay lagana digayey.