Abiy Ahmed oo go’aan adag kasoo saaray dagaalka TPLF

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shaaciyey inay dowladiisa ka shaqaynayso sidii xidida loogu siibi lahaa TPLF oo uu ku tilmaamay inay yihiin Cancer ay tahay in laga ciribtiro Geeska Africa.

Abiy Ahmed ayaa iclaamiyey dagaal cusub oo lagu soo ciribtirayo kooxda TPLF oo muddooyinkii ugu dambeeyey qabsaday magaalooyinka Gobolka Tigray oo ay horey u qabsadeyn ciidamada Federaalka Itoobiya.

“TPLF Xididada ayaan u siibaynaa si ay u hirgashana dhammaanteen waa inaan u midoownaa sidii aan usoo af-jari lahayn,” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Abiy ayaa sheegay in ay dhageysteen hadallada uga imaanaya kuwa uu ku sifeeyey in aysan aqoonin TPLF, balse ay hadda garowsadeen cidda ay tahay TPLF oo ay dareemayaan in wixii ay ka shaqeynayeen aysan dhankoodaba ka hirgali karin, sida ku xusan qoraalka xafiiska Abiy Ahmed.

Abiy ayaa tilmaamay in jiidaha hore ee dagaalka loo daadgureeyay kumaan askari oo ka tirsan ciidanka Qaranka Itoobiya ENDF, isagoo sheegay in ay tasi ka dhigan tahay diyaar garowgii kooxahan lagula dagaalami lahaa, isagoo sheegay in ay kasoo horjeedaan amni & Horumar dhaqaale oo ay gaarto Itoobiya.

“Wiilashayada (askarta) ka kala yimid afarta jiho ee dalka waxay u jihayseteen sidii ay meesha uga saari lahaayeen argagixisada TPLF,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri  “Kooxdaan argagixisada ah waxa ay halis ku yihiin midnimada dalka iyo isbadalka yar ee la dareemay si ay u burburyaan waxay isticmaaleen wado kasta oo ay adeegsan karaan gacmahana ka laaban mayno hada kadib.”

“Ciidanka Difaaca qaranka iyo ciidama maamullada dalku waxay qaadayaan talaabooyinkooda dastuuriga waxayna qabanyaan Goobihii ay xaqa u lahaayeen loona asteeyay taasoo ay imaan karto carqalado lagu hanjabinayo waanse tusaynaa Saaxiibadeen iyo Cadawgewnaba mudo dhaw Natiijada hawl galka sareenta sharciga.”

Hadalka Abiy Ahmed, ayaa imaanaya iyada oo kooxda TPLF, ay sheegay in ay maxaabiis ahaan u hayso kumaan ka tirsan ciidanka Milatariga Itoobiya ayna sii daysay kun ka mid ah balse la maxkamadayn doono saraakiisha hogaaminaysa.

Abiy ayaa todobaadkaan sheegay in militariga ay iska celin doonaan qatar kasta oo kaga timaado kooxda TPLF, halka Gobolka Amxaarada iyo saddex gobol oo kale ay sheegeyn inay abaabulayaan xoogag si ay uga taageeraan ciidanka qaranka dagaalka lagula jiro kooxda TPLF.

Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka, ku dhawaad 2 milyan ayaa barakacay halka in ka badan 5 milyanna ay u baahan yihiin gargaar cunto oo deg deg ah.

Jimcihii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa soo saartay bayaan ay ku eedeyneyso kooxaha gargaarka inay hubeeyaan mucaaradka.

“Qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka ayaa si firfircoon ugu howlanaa kaalin burburin ah. Waxaan sidoo kale xaqiijinay in ay gargaarka u adeegsanayeen gabbaad isla markaana ay hubeynayaan kooxaha mucaaradka si ay colaadaha u dheereeyaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.