ABIY AHMED oo ka hadlay qaraxii lala beegsaday + Sheegayna inay fuliyeen…

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ka hadlay qarax xooggan oo maanta ka dhacay goob ay shacabka isugu soo baxeen oo uu hadal ka jeedinayey.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa mid xooggan, si xirfadeysanna loo soo abaabulay lagu dilay dhowr qof islamarkaana kuwa kale lagu dhaawacay.

Ra’iisul wasaaraha ayaan sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen “Dad kasoo horjeeda midnimada daka Ethiopia”

Abiy Ahmed, ma magacaabin koox gaar ah oo qaraxa fulisay, hase yeeshee waxa uu ku macneeyey mid “raqiis ahaa, oo aan aqbali karin”, isaga oo intaas ku daray in booliska ay baarayaan.

Hadalkiisa ayaa loo fasirtay in qarax ay ku lug leeyihiin dad dhowaanahan kacdoon ka waday dalka Ethiopia, taasi oo magacaabistiisa sabab u ahayd.

“Jaceylka ayaa mar walba guuleysta, dilka dadka kale waa guul-darro. Kuwa isku dayaya inay na kala qeybiyaan, waxaan doonayaa inaan u sheego, ma guuleysan doontaan” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Aababa
caasimada@live.com