Siduu FAARAX Macallin u arkaa wadaniyada Farmajo kadib heshiiskii ETHIOPIA

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa cabiray aragtidiisa ku aadan heshiiskii ay Soomaaliya iyo Ethiopia ku galeen Muqdisho sabtidii iyo haddii madaxweyne Farmaajo uu dalkiisa qiyaamay.

Faarax Macallin ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay in marnaba uusan shaki uga jirin in Farmaajo yahay nin waddani ah oo dalkiisa jecel, balse ay suurto-gal tahay inuu galay qaladaad siyaasadeed.

“Qiimeynteyda Farmaajo waxa tahay ninka waxaa macquul ah inuusan haysan khibrad ku filan marka ay noqoto maamulka dowladeed, hase yeeshee xaqiiqdii maaha nin musuq-maasuq, dhab ahaantiina waa waddani sax ah” ayuu yiri Faarax Macallin.

“Marka ay noqoto maamulka dowladeed, dalna ha aamin xitaa kuwa deriska ah. Waxaad eegtaa Mareykanka iyo Canada, UK iyo France, Mareykanka iyo Mexico. Madaxweyne iska jir Ethiopia”

Hadalka Faarax Macallin ayaa imanaya ayada oo mucaaradka dowladda ay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu dekadaha dalka siiyey Ethiopia, islamarkaana ogolaaday in dalka Soomaaliya laguna daro Ethiopia, taasi oo madaxweynaha uu wax kama jiraan ku sheegay kuna qoslay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
Caasimada@live.com