Abiy Ahmed oo shaaca ka qaaday xilliga ay dhacayaan doorashooyinka ITOOBIYA

Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya waxa ay May ama June qaban doontaa doorasho baarlamaan, inkasta oo ay jiraan walaacyo amni iyo kuwa farsamo, waxaa sidaas sheegay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed intii lagu guda jiray booqasho uu Axadii ku tagay dalka Koonfur Afrika.

Doorashada ayaa noqon doonta tii ugu horreysay tan iyo markii Abiy Ahmed uu xafiiska la wareegay bishii April 2018, islamarkaana uu billaabay isbeddelo siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale.

Qorshihiisa isbeddel ayaa sidoo kale huriyey rabshado islamarkaana muuujiyey kala qeybsanaanta qowmiyad ee dalka Itoobiya, oo ay ku nool yihiin 105 milyan oo qof.

Guddiga doorashada ayaa bishii June 2019 sheegay in xaaladda amni ay dib u dhigi karto doorashada 2020.

Isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay si wadajir ah magaalada Pretoria ugu qabteen madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, ayaa Abiy waxa uu sheegay in Itoobiya iyo dadkeedaba ay u wanaagsan tahay in doorashada ay u dhacdo sidii loo qorsheeyey.

Itoobiya ayaa si joogto ah doorasho u qabaneysay tan iyo 1995-kii, hase yeeshee marka laga reebo 2005, ma jirin doorasho lagu loolamay.

Abiy Ahmed ayaa dhinaca kale weydiistay madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa inuu soo faro-geliyo muranka muddada taagan ee kala dhaxeeya Masar, kuna saabsan biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Nile.

Xiriirka Itoobiya iyo Masar ayaa xumaa tan iyo markii dalka ku yaalla Bariga Afrika uu billaabay dhismaha biyo-xireenka Grand Renaissance 2011—kii.