Sidee Saddam Hussein uga bad-baadiyey ciidamada Mareykanka weerarkii ay dhowaan ku qaaday IRAN?

Baghdad (Caasimada Online) – Saddam Hussein waxaa la dilay 30-kii December 2006, hase yeeshee dhufeysyo uu dhisay intii uu noolaa ayaa ciidamada Mareykanka ka bad-baadiyey inay ku la’daan weerarkii gantaallo ee ay dhowaan ku qaaday Iran, waxaa sidaas weriyey taleefishinka CNN.

Ciidamada Mareykanka, inkasta oo saacado ka hor loo sheegay in weerar kusoo socdo, haddana uma diyaarsaneyn inay iska difaacaan weerarkii gantaallada Ballistic-ga ee Iran, waxayna ku qasbanaadeen inay galaan dhufeyso dhulka hoostiisa ku yaalla oo uu dhisay Saddam Hussein.

areykanka ayaa dhufeysyo ayaga ay dhiseen ku lahaa saldhigga Cayn Al-Asad hase yeeshee dhufeysyadan waxaa loogu talo-galay kaliya gantaallada fudud, awoodna uma lahan inay celiyaan gantaallada riddada dheer.

Ma aysan hubin in dhufeysyada uu dhisay maamulkii Saddam Hussein ay awood u u leeyihiin inay ka difaacaan gantaallada Iran, hase yeeshee markii weerarka uu billowday ayay garowsadeen in dhufeysyadan tobaneeyo sano jirka ah ah ay aad uga xooggan yihiin kuwa Mareykanka, taasi oo noloshooda bad-baadisay.

Lt. Col. Staci Coleman, oo hoggaamineysay ciidamada Mareykanka ee dhufayska galay ayaa sheegtay inay shaki badan qabeen.

“Waxaan ku dhex jiray dhufeyska dhulka hoostiisa ah, waxaana niyadda ka lahaa qalad ayay ahayd inaad halkan naftaada ku aaminto,” ayey tiri.

“Toban daqiiqo kadib markaan sidaas niyadda iska iri waxaa billowday weerarka, kadibna waan garowsaday inaan qaldamin. Dhulka ayaa ruxmay laakiin waxba nooma soo gudbin,” ayey tiri Coleman.

Weerarkii Iran ay qaaday toddobaadkii tagay ayaa jawaab u ahaa dilkii Mareykanka ee Jeneral Qassem Soleimani, hase yeeshee cidna wax kuma noqon, waxayna taas uga mahad-celinayaan Saddam Hussein.