Abiy Ahmed oo war ka soo saaray isku daygii Afgambi ee ka dhacay ITOOBIYA

Addis Ababa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya afgambi dhicisoobay oo ka dhacay gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Waqooyi ee Amxaarada.

Qalalaaso ka dhacay gobolkaasi ayaa waxaa lagu toogtay taliyihii guud ee Ciidamada Itoobiya General Seare Mekonnen iyo saraakiil kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guud ahaan la jaray qadka isgaarsiinta iyo Internetka ee dalka Itoobiya.

War-Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa looga hadlay afgambigaas iyo shaqaaqooyinka saacadihii la soo dhaafay ka dhacay dalkaasi.

Qoraalka uu soo saaray Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horreyn lagu cambaareeyay afgambiga dhicisoobay.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in lagu soo xadgudbay  madaxbanaanida shacabka iyo Dastuurka Itoobiya.

Waxa kale oo u digniin u diray kooxihii horboodayay xasaradahaasi, isaga oo carabka ku dhuftay in xukuumaddiisa ay ka qaadi doonto tallaabo adag.

Dhinaca kale war ka soo baxay xisbiga maamula gobolka Amxaarada ayaa dhacdadan ku eedeeyey taliyihii hore ee ammaanka, kaas oo Ra’iisul wasaaruhu xabsiga ka saadaayay, markuu xukunka qabtay.

Xaaladda ayaa saaka dagan, hayeeshee waxaa heegan buuxa ku jira qeybaha kala duwan ciidamada federaalka ee Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa tan iyo markii 2018-kii loo doortay xilkan waxa uu isbedal weyn ku sameeyay siyaasadda Itoobiya, waxaana uu soo afmeeray cadaadisyo xoogan oo ka jiray dalkaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com