Madaxa sirdoonka Sacuudi Carabiya oo arrin yaab leh u tagaya Israel (Warbixin)

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wargeyska Middle East Eye ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa qoray Maanta oo Sabti ah in Madaxa Sirdoonka Sacuudiga uu booqasho ku tagi doono Israa’iil dhammaadka asbucaan bilowga ah.

Wargeyska ayaa sheegay in Mas’uulkaan uu asbuucaan dhamaadkiisa tagi doono Tel Aviv-si uu Maamulka Israa’iil ugala hadlo inay weerar duqeyn ah ku qaado Dalka Iiraan.

Inkastoo uusan wargeyska Sheegin magaca Mas’uulkaan haddana shakhsigii ugu dambeeyey ee hoggaamiyaha u ahaa Sirdoonka Sacuudiga ayaa lagu magacaa Khalid AL-Xamiidaani.

Wargeyskaan ayaa caddeeyey in booqashadaan ay kusoo aadeyso xilli Dowladda Sacuudiga ay laba jibaartay dadaalkeeda ku aadan inay xulafadeeda ku qanciso weerar lagu qaado Iiran kadib markii Washington ay sheegtay inay joojisay duqeyn ay rabtay in lagu qaado Iiraan.

Wargeyskaan ayaa sidoo kale xusay in Madaxa Sirdoonka Sacuudiga oo uu la socday Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Caadil AL-Jubeyr ay booqdeyn Lodon iyagoo Ingiriiska ka codsaday in Iiraan la duqeeyo balse waxaa la xaqiijiyey inay Dowladda Ingriiiska diiday.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump ayaa sheegay Shalay inuu joojiyey duqeyn ka dhan ah Iiraan wax yar kadib markii ay Diyaaradaha Mareykanka bilaabeyn inay fuliyaan amarkaan, isagoo sheegay inay duqeyntaas ugu yaraan ku dhiman lahaayeen 150 oo u dhashay Iiraan .

Sanadkii 2018 ee lasoo dhaafay ayaa waxaa dhacay kulamo iyo booqasho badan oo dhex maray Israa’iil iyo Sacuudiga.

Xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil ayaa ku jiro  maalmihii ugu fiicnaa taariikhda, waxayna Israa’iil sheegtay inuu Sacuudiga kala dhaxeeyo xiriir fiican oo ku saleysan in la is dhaafsado  macluumaadka Sirdoonka.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
caasimada@live.com