Dagaalka DF ay ku hayso Galmudug iyo ujeedada Farmaajo ee beelo gaar ah

Dowladda Federalka Soomaaliya waxaa hoos yimaada maamul goboleedyo uu dalka leeyahay kuwaa oo sameeysmay xili baahi badan loo qabay, waxaana loo arkay inuu yahay mid ay Soomaali ku dagi karto kuna heshiineyso.

Dowladda ay hogaanka u wada hayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre waa kale ayaa u baryay markii maamul goboleedyada dalka ay sameesteen iskaashi u gaar ah oo ay kaga soo horjeedaan xiriirka dowladda Dhexe balse dadaal uu ku baxay Qarash, dhiig ayey ku kala dirtay midowgaasi oo ahaa mid dhamaan maamulada isku heysteen.

Madaxweynihii Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xukunka iska casilay markii cadaadis xoogan uu kala kulmay dowladda Dhexe waxaana lagu qanciyay dhowr Malyan oo uu qaatay.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo kamid ahaa Golaha waxaa la soo wareegtay dowladda kadib Isfahan dhexmaray isaga iyo madaxda dalka ilaa hadana wey isla heystaan.

Koofur Galbeed waxaa hogaamiya Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen waa musharax ay dowladda dhexe ku bixisay dhaqaale badan si uu u guuleysto, waxaana ku dhintay dad shacab ah khalalaaso ka dhashay xarigii Mukhtaar Roobow ee dowladda kula kacday kaa oo ahaa musharaxa ugu cad cad doorashadii Koofur Galbeed.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas madaxweynihii Puntland ee doorashada looga adkaaday wuu diiday wadahadal sidoo kalena wuxuu amray in deeganada Puntland aysan soo gali karin madaxda dowladda dhexe intii lagu guda jiray doorashadii uu ku soo baxay Saciid Dani, ujeedka amarka ayaa ahaa in uu waayo Taageero dhaqaale musharaxa ay wadatay dowladda oo Puntland ay la rabtay, amarkaas ayaana fulay.

Hadda waxaa socda dadaaladii ugu dambeeyay ee dowladda dhexe kursiga kaga tuureysa Axmad Ducaale Geelle Xaaf oo ah madaxweynaha Galmudug, wasiirka arrimaha Gudaha oo ku sugan Dhuusomareeb wuxuu kala jabiyay Galmudug, Ahlu Sunna ayey hadda dowladda federalka heshiis la gashay, waxaa fudud in la jebiyo maamulka Xaaf waqti xaadirkaan.

Maxey dowladda uga adkaan la’dahay Puntland iyo Jubbaland?

Waa marqaati madoonto in dowladda dhexe ay siyaasadeeda ka hergeliso maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Doorashada lawada sugayo ee Jubblanad waxaa iska cad in saameyn badan aysan ku lahaan karin dowladda sidaasna uu ku soo laaban doono Madaxweynaha Jubbaland Axmad Maxamed Islaam (Madoobe).

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa si adag ugu jees jeesaya dowladda Dhexe, wuxuuna sheegay in wax wada shaqeyn ah uusan kaga baahneyn,waxaana uu socdaal ku tagay wadamada Itoobiya, Shiinaha iyo Imaaradka waxaana uu heshiis la galay shirkado kala duwan.

Ma muuqato meel ay dowladda dhexe ka qasi karto Puntland oo ah maamul adag oo dhameystiran, sidaas si lamid ah Jubblanad ma carqaladeyn karto dowladda Dehxe ee waa maxay sirta ku hoos doogan.

Dadka waayo jooga ah ayaa aaminsan inuu Farmaajo gacan bir ah ku qabanayo Beelaha Hawiyaha iyo digil iyo Mirifle, isagoo awoodda maamul siinaya Daarood, waxaana ilo xog ogoaal ah sheegayaan in heshiis hoose uu kawada dhexeeyo Farmaajo, Saciid Dani iyo Axmad Madoobe si xiliga doorashada uu afgambi ugu qabsado dalka madaxweyne Farmaajo, isagoo dhaqaale ahaan iyo awood ahaan u wiiqaya beelaha hawiye.

Waxaa xusid mudan in Beelaha Hawiye ay baraarugi doonaan marka Axmad Madoobe uu xukunka ku soo laabto, taa oo banaanka keeneysa qorshaha qarsoon ee dowladda dhexe.

Dowladda hadda jirta ayaa sameysay dhowr arrimo oo lama ilaawaan ah si siyaasadda kaligiistalinimada ah u hirgasho wuxuuna iska wareejiyay shaqsi walba oo ka hor imaan kara waxaana kamid ah: iney xilka ka qaado Duqii Hore ee Muqdisjo Taabit Cabdi Maxamed oo siyaasad ahaan iyo maamul ahaan iska hor yimaadeen Nabad iyo Nolol.

Iscasilaadii waqtiga dheer qaadatay ee Gudomiyihii Golaha Shacab Max’med Sheikh Cismaan Jawar, weraarkii iyo dhawicii gurigiisa lagu qaaday Hogamiyaha mucaaradka ee xisbiga Wadajir Cabdirahman Cabdi Shukur warsame si loo cabsi geliyo shaqsiyaadka ka soo horjeeda dowladda oo caburun weyn lagu hayo ila imika.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

W/Q: Abdiaziz Loyal
abdiazizh99@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid