Xaaf oo diiday inuu iscasilo, dhaqaale loo ballan qaaday iyo wararkii ugu danbeeyay

Dhuusa Mareeb (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in caawa ilaa hadda uu ka socda shirar iyo kulamo gaar gaar ah oo wafdiga dowladda federaalka iyo madaxda Galmudug ka leeyihiiwn xiisada kasoo cusboonaaday Galmudug.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in kulamadii ugu horeeyay ee wafdiga ka socda dowladda iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu dhacay hase ahaatee waqti badan uusan qaadan, waxaana lagu soo waramayaa in ergo gaar ah oo u tagtay Xaaf ay ku cadaadiyeen inuu iscasilo, balse uu diiday, taasoo keentay in loo balan qaado dhaqaale cadadkeeda aan helin, dhaqaalahaasi oo horay Fahad Yaasiin uu u balan qaaday Xaaf inuu siin doono hadii uu xilka baneeyo.

Xaaf ayaa ku adkeysanaya in wafdiga dowladda ee Dhuusa Mareeb ku sugan u arka inay yihiin kuwo burburinaya maamulka Galmudug, waxaana jira warar been abuur ah oo baraha bulshada lasoo geliyay oo sheegayay in uu Xaaf isacasilay, taas badelkeedna qoraal kasoo baxay madaxtooyada Galmudug lagu beeniyay wararkaasi.

Dhinaca kale, wafdiga dowladda ee uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha ayaa kulamo la leh qeybaha bulshada iyo madaxda Ahlusuna, kulamadaasi oo u muuqda kuwo lagu soo afjaraayo jiritaanka xileed ee madaxweynaha Galmudug Axmed D. Geelle Xaaf.

Inta uusan ogolaan Xaaf inuu la kulmö wafdiga dowladda ayaa xiisada magaalada DHuusa Mareeb aheyd mid kacsaneyd oo qarka u saaraneyd in isku dhac uu ka dhaco, kadib markii ciidamo taabacsan Xaaf oo Gaalkacyo ka yimid loo diiday inay galaan gudaha Dhuusa Mareeb, halka madaxda Ahlu Sunna ay soo jeediyeen in Xaaf uusan ka bixi karin magaalada inta xal laga gaarayo.

Maalinta Isniinta ayaa la filayaa in magaalada Dhuusa Mareeb uu gaaro ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, inkastoo wax walba ay isbadali karaan.

Magaalada Dhuusa Mareeb iyo guud ahaan degmooyinka Galmudug ayaa dadka ku sugan ay u dheg taagayaan xaalada kasoo kororta xiisada ka taagan Cadaado iyo go’aanka iyo tallaabada madaxweynaha Galmudug.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusa Mareeb
caasimada@live.com