Khilaaf culus oo ka dhex aloosan labada aqal ee baarlamaanka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay khilaafka maalmahan ka dhex taagna labada gole ee Baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay arrimaha qabsoomida doorashooyinka iyo muranka xisbiyada Somaliland ee ku aadan Doorashooyinka.

Xildhibaan Xuseen oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa waxa kale uu si weyn usoo dhaweeyay shirka uu dhowaan ku baaqay Boqor Buurmadow, wuxuuna yiri:

“Marka hore maaha in khilaaf ku saleeysan Xeerarka inuu ka dhex bilaamo Wakiilada iyo Guurtida, Sharcigu wuxuu Wakiilada awood u siiyey wixii xeerar ah ee ku saabsan Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo heshiisyada Caalamiga ah, halka uu Guurtidana awood u siiyey Xeerarka ku saabsan Dhaqanka, Diinta iyo wixii la mid ah, Xeerar labada Golena soo mara wey jiraan, sidaas oo ay tahay Xeerka Maaliyadda waxa awood u leh oo Dastuurku siinaya waa Wakiilada, ee in la isku khilaafaba maaha”.

“Xisbigii Kulmiye wuxuu Xisbigii Ucid ka dhigtay Awr cadaysimo ah, iyo salaan uu marsiisto wuxuu doono, markaas Xisbiga Ucid waa looga wanaagsanaa in lagu guuro, maxaa yeelay Xisbiga Waddani wuxuu diidan yahay waa la garanaya oo wax qarsoon maaha, Xisbiga Waddani wuxuu diidan yahay inay dhacdo Doorasho dambe oo la musuqo, sidaas oo ay tahay Xisbiga Ucid waxaa isna looga baahna inuu isna iska diido, balse taasi may dhicin”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Komishankana Madaxweynaha ayaa awood u leh inuu kala diro, ee Madaxweynuhu waa inuu kala diraa, waxaynu ka war qabnaa in hore ay Komishanka u kala direen Daahir Rayaale iyo Axmed Siillaanyo, balse Madaxweynaha wax ka hor istaagaya inuu Komishankan kala diro ma jiraan, ee waa inuu kala diraa”.

“Boqor Buurmadaw wuxuu ka mid yahay Madax-dhaqameedka Somaliland, Shirkan uu ku baaqayna aad iyo aad baan u soo dhaweeynayaa, maxaa yeelay Shirkan labada Beelood, waa Shir muhiim ah, waa Shir walaaltinimada iyo wanaaga labada Beelood sii xoojinaya, waa Shir is afgarad wanaagsan laga gaadhi doono insha allaah, inay walaac laga muujiyo oo loo hanjabo Boqor Buurmadawna waa khalad”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com