“Ruwaayad aan ka soconayn ayey dadka u dhigayaan xisbiyada Kulmiye iyo Ucid”

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta markale ka hadlay heshiiska ay arrimaha doorashooyinka ka gaareen labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid.

Afhayeenka guud ee xisbiga Waddani, Barkhad Jaamac Batuun oo ka hadlayey arrinkaasi, ayaa waxa uu sheegay inay sifo sharci darro ah u wadaan xisbiyadaasi arrimaha doorashooyinka, isagoona ku tilmaamayey ruwaayad aan ka soconeyn oo ay dadka u dhigayaan.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xisbiga Waddani uu doonayo in wax laga badelo qaabkii ay hore ugu iman jireen Guddiga doorashooyinka Somaliland, wuxuuna ka dhawaajiyey in xisbigoodu uu rabo in si siman loo qeybsado tirada gudidaasi.

“Labada Xisbi ee Ucid iyo Kulmiye, riwaayad aan ka soconayn ayey dadka u dhigayaan, Waana laba Xisbi oo caddaalad daro iyo sharci daro isku wata inagoo ah dal Dimuqraadiya, in haddana waxaan inaga soconaynin isku dayno inaynu is marsiinaa, waa habeenkii xalay ahaa ee tagay, wax soconaya maaha” ayuu yiri Afhayeen Barkhad Batuun.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaa kale oo aanu rabnaa inay Doorashada inoo qabtaan Komishan daacad ah, oo xilkooda iyo waajibaadkooda si daacadnimo ku dheehan tahay u guta, oo inoo qabta Doorashooyin xor iyo xalaal ah, laguna wada kalsoon yahay, Waxbana yaan lagu meersayn Xisbiga Waddani ayaa Doorasho diidan. Midda kale, Komishankan leh diiwaan-gelin cod bixiye ayaanu qabanaynaa waxaanu leenahay wakhtigii uu idinka dhacay ee meesha iskaga taga”.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com