Xukuumada Muuse oo lagu eedeyay inay sharciga ku tumato oo digniina loo direy

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xoghaye ku xigeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Jamaal Jaamac Xaamud oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa si adag uga hadley sharci jabin uu sheegay inay ku kacday xukuumada Biixi.

Xoghayaha ayaa waxa uu sheegay inay Xukuumada Muuse Biixi ka hor timid xoriyatul qowlka, isagoona wax kala fog ku tilmaamay inay Somaliland sheegato dal dimuqraadiya, haddana ay jabiso xeerarka iyo shuruucda u dagsan.

Xoghaye ku xigeen Jamaal ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xiisada weli ka aloosan Xukuumada iyo Boqor Buurmadow, wuxuuna yiri “Waxa dal iyo dawlad lagu yahay waa sharciga iyo kala dambaynta, waxaynu nahay dal dimuqraadiyada, waxaynu leenahay Sharci, Shuruuc iyo Xeerar, ma joogno wakhtigii kali talisnimada, ee waa wax aad u kala fog inaynu dal dimuqraadiya aynu sheegano haddana la jabiyo xeerarka, sharciga, shuruucda iyo dastuurka dalka”.

“Waa sharci daro in telefishadanada dalka la xidho, waa xeer jabin in saxaafadda dalka oo madax banaan la cabudhiyo, mana ah inay Xukuumadda ka hor timaado xoriyatul qawalka. Xukuumaddana waxaa looga baahan dulqaad, iyo inay dadkeeda dhagaysato, Xukuumadda waxaa looga baahan yahay inay dadkeeda wax u qabato oo cadaalad ugu adeegto”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Balse loogama baahna inay xadhig iyo car hadal iyo car juuq dheh ay kaga dhegto, haddii uu Boqor Buurmadaw ku baaqay inuu Shir u qabto laba beelood oo walaalo ah, may ahayn inay xadhig ugu hanjabto oo waxaan ka suurgalina ku sifeeyso”.

“Boqor Buurmadaw waa mid ka mid ah Odayaasha Madax-dhaqameedka Somaliland, ee nabada iyo wada jirka umadda in badan ka shaqeeya, ee waxaa laga sheegayana waa waxba kama jiraane, Xukuumaddu waxba yaanay baqdin iyo fulaynimo ka qaadin Shirku ku baaqay”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com