Abiy Axmed oo booqasho ku tegaya KENYA + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maalinta beri ah booqasho rasmi ah ku tegaya Kenya, taas oo qaadan doonto labo cisho.

Abiy Axmed ayaa socdaalkiisa ku bilaabi doono magaalada Moyale ee gobolka Marsabit oo ku yaalla xudka ay wadaagaan labada ee Kenya iyo Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in labada madaxweynaha Kenya iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay ku kulmi doonaan halkaasi, kadibna ay xariga ka jari doonaan bar koontarool ku taala xuduuda labada dal.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu gaari doono meelo ay ka mid tahay gobolka Lamu oo ay ka socoto dhismaha dekedda cusub oo isku xiri doonto wadamada Kenya, Suudaanta Koofureed iyo Itoobiya.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale la filayaa in kulankooda ay ku soo qaadaan dagaalka Tigray, xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo xiisada Soomaaliya & Kenya.

Si kastaba safarka Abiy ee Kenya ayaa ku soo aadaya, iyada xukuumadda Itoobiya ay soo gaba-gabeysay howl-galkii gobolka Tigray ee ka socday waqooyiga dalkaasi.