Baarlamanka Galmudug oo ballan qaaday inaysan qaban doonin doorasho aan raali lagu wada aheyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ay ku heshiiyeen in aysan Galmudug ka qabsoomin doorashada Aqalka Sare, illaa laga heshiiyo doodaha taagan.

Kulankaan oo habeenkii Sabtida ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay 60 mudane oo ka tirsan Xildhibaanada Galmudug, waxa uuna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre kala hadlay dhibaatooyinka ku gadaaman doorashada Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay, xildhibaanada Galmudug ayaa Kheyre u sheegay in aysan dooran doonin Golaha Aqalka Sare illaa la isku raaco doorashada Soomaaliya.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad loo hadal haayay in degaanada Galmudug, HirShabeelle iyo Koofur Galbeed laga billaabi doono doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa ahaa qofkii dhisay Galmudug mudadii uu xilka haayay waxaana la sheegay in degaanka uu ku leeyahay saameyn ballaaran, taas oo sababi karta in qorshaha Villa Somalia si fudud ku dhaqan gelin.

Caasimada Online ayaa sidoo kale ogaatay inay adkaan doonto in doorasho ay ka dhacdo HirShabeelle, sababo la xiriira in dowladda laga diidan yahay Beledweyne, islamarkaana Cali Guudlaawe uusan ku dhiiri karin tallaabo aysan raali ka ahayn Shariif iyo Xasan Sheekh.