Abiy Axmed oo shaaciyay waxa lagu beddeli doono xabsiyada ku yaala DDSI

Jigjiga (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qorsho ay dowlada Ethiopia ku dooneyso in albaabada loogu laabo Xabsiyada waaweyn ee ku yaala magaalada Jigjiga ee maamulka DDSI.

Amarka lagu xiraayo Xabsiyada oo kasoo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa la xaqiijiyay in iminka uu ka dhaqan galay magaalada Jigjiga.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Abiy Axmed uu amar ku bixiyay in xiritaanka xabsiyada lasoo dadajiyo isla markaana lagu bilaabo Xabsiga weyn ee loo yaqaan “Jeel Ogaadenia” oo ku yaalla magaalada Jigjiga.

Xabsiga Jeel Ogaadenia ayaa ah kan ugu weyn DDSI, waxaana lagu xiraa tuhmanayaal iyo dagaalyahaano ka tirsan Jabhada ONLF.

Abiy Axmed ayaa amar ku bixiyay in Jeel Ogaadenia loo bedelo (Masjid) lagu cibaadeysto, waxa uuna ka digay in burburinta qololka Xabsiyada iyo guud ahaan dhismaha laga dib dhigo xiliga loogu tallo galay.

Sidoo kale, Abiy Axmed ayaa amar ku bixiyay in Xabsiyada kale ee waaweyn laga dhigo Masaajido iyo beero lagu nasto, si maxaabiista lasii daayay aysan dib ugu xasuusan dhibka xabsiyada.

Gudaha asbuucan ayaa lagu wadaa in burburinta lagu bilaabo jeelka weyn ee loo yaqaan “Jeel Ogaadenia”.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
Caasimada@live.com