Xog: Cadaalad darrada iyo musuqa garsoorka iyo maxkamadaha Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waa meelaha ugu muhiimsan ee dal laga qiimeeyo sidoo kalena uu ka xasilo marka si hufan  oo cadaalad ah ay u shaqeynayaan hay’adaha garsoorka iyo Maxkamadaha dalka iyadoo la dhowrayo xuquuqda aas-aasiga ah ee shaqsiga.

Dacwado farabadan ayaa yaala maxkamadaha dalka, qaarkood sanado ka hor ayaa loo gudbiyay xaakimyada iyo dadka ku shaqada leh dacwad qaadista, walina lama furin,  sababo la xiriira lacago laaluush ah oo dacwad walbo lagu furo, iyo qaar waxaa jira aan la qaban amaba aan la furin hadii qofka ama hay’dda dacwadda laga gudbiyay ay bixiso l laaluush ah oo ay qaadanayaan madaxda hay’adaha garsoorka iyo Xaakimyada maxkamadaha heer gobol iyo heer dagmaba.

Cabasho badan ayeey shacaku ka gudbiyeen hay’daha garsoorka iyo Maxkamadaha dalka , dad badan ayaa lala wareegay hanti ay lahaayeen si aan xaq aheyn amaba lagu xukumay sanado badan  oo xabsi ah waxeyna u xeran yihiin si sharci darro ah, qaarna xabsiyada ayaa laga sii daayay iyagoo dambi leh balse laaluush laga qaatay, kuwo kalena cafis ayey maxkamaduhu u fidisaa marka laaluush ay dhibaan.

Qof si sharci darro ah lagu xeray oo dadkii soo xeray ay lacag laaluush ah xabsiga ugu taxaabeen oo Caasimadda Online wareysatay ayaa inoo sheegay in lagu waayay wax dambe ah markii  baaris lagu sameeyay laakiin   3,000 oo doller  ay uga baxday inuu xuriyadiisa dib u helo  sidaasna waxaa ku wargelisay  maxkamadda.

Dadka laga tirada badan yahay, kuwa aan dhaqaalaha badan heysan iyo dadka dacwadda ka gudbiya shaqsiyaad magac leh, waa kuwo ugu daran ee la kulma cadaalad darrada xita qareenka ay qabsadaan laaluush ayaa lagu aamusiyaa.

Si lamid ah xabsiyada, musqmaasuqa wuxuu ka bilowdaa marka qofka xabsiga lagu xerayo, qol fiican in laguugu xero hadii aad rabto waxaa kaa xiga cadadka lacagta aad bixiso, askariga qoraya Obiga wuxuu kaa rabaa lacag, wax walba oo u baahato intaad ku jirto xasbiga waxaad ku heli kartaa inaa laaluush bixiso si laguugu keeno,-sidoo kale hadii maxkamad laguu gudbinaya waa sidaas oo kale lacag farabadan ayaad shubeysaa.

Dadka maal qabeenada ah ama xigtada ay yihiin kuwo wax kala garsooraya aad ayaa loogu fududeeyaa marka dacwad ay gudbisanayaan, waana loo soo dhiciyaa wixii ay cabsho ka yihiin, waxaana dhif iyo naadir ah hadii mas’uul dowladeed uu dambi galo in dacwadiisa  maxkamadda qabato, laakiin dadka danta yar ee cabashada qaba ee aada Maxkamadaha dhag jalaq looma siiyo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxuu horay u balan qaaday in wax badan uu ka qaban doono adeegga garsoorka iyo Maxkamadaha dalka oo cadaalad darro badani ay ka jirto, oo wali wax isbadal ah aan lagu sameynin.

Sababaha ugu weyn ee keentay cadaalad darrada baahsan ayaa ah in shaqsiyaad  aan aqoon u laheyn arimaha dacwadaha iyo maxkamadaha oo howsha iska heysta iyadoo aan lala xisaabtamin xitaa lagama war qabo , iyagoo sideey doonaan wax u dhiga kaliya qiimeeya cadadka lacag ee dacwad walba wadato, waana masiibo u baahan in si deg deh ah wax looga qabto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com