Feysal Cali Waraabe: Inaan Soomaaliya la midowno waxaa nooga roon dalka…

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Engineer. Feysal Cali Waraabi ayaa daboolka ka qaaday inay adkaan doonto in Somaliland ay dib ula midowdo Somalia inteeda kale.

Guddoomiye Feysal ayaa sheegay in Somaliland ay ka niyad goosatay Somalia, sidaa aawgeed aysan waxba u arag wadahadalka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Waxa uu tilmaamay Feysal Cali Waraabe in la midoobida Somalia ay ka doorbidayaan la midoobida dalalka kale ee xaduuda kala dhexeysa Somaliland.

“Adeer wey nooga dhamaatay Xamar waxaanu ka doorbideynaa inaan la midowno wadamada kale aanu xadka wadaagno”.

“Somaliland wakhtiga ayey reer xamarku ka dhuminayaan anaguna waxbaa noo cad dooni meyno inaan wadahadal danbe la galno Somalia”.

Feysal ayaa sheegay in carruurta Somaliland xitaa aysan wali ilaabin dhibaato uu carab dhabay inay kala kulmeen Somalia, waxa uuna tilmaamay inay ka hortaagan tahay ictiraafka.

“Somalia inaan la midowno iskaba daaye carruurteena ayaanba ilaawin waxa naga dhexeeya waxaan xamar ugu baaqeynaa inay tashato anaga noo ogolaato xoriyadeena”

Sidoo kale, Feysal Cali ayaa xubnaha kasoo jeeda Somaliland ee la shaqeeya dowlada Somalia uga digay inay faragishtaan howlaha aan khuseyn maadaama aysan xamar u dhalan, isla markaana ka carareen Somaliland.

Haddalka Feysal Cali ayaa u muuqanaaya mid lagu sii hurinaayo khilaafka Somaliland kala dhexeeya dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com