Abiy oo ka qeyb-galay shir ay qeyb ka tahay Soomaaliya

Kampala (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali ayaa maanta ka qeyb-galay shir ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Shirkaan oo ahaa shir-madaxeedkii 19-aad ee dalalka dhex-dhexaadka ah ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Abiy oo diiday ka qeyb-galka shirkii looga hadlayay damaciisa ku wajahan badda Soomaaliya, kuna marmarsiyooday inay jiraan balamo kale oo uga muhiimsan shirkaasi ayaa gaaray Kampala si uu maanta uga qeyb-galo shirkaan.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna maanta ka baaqsaday inuu galo sawirka loo dhan yahay (Photo Group) ee shir-madaxeedka 19-aad ee dalalka dhex-dhexaadka ah ee ka dhacay Kampala.

Inkasta oo Madaxweynuhu uu shirka joogay haddana kama uusan soo muuqan sawirka loo dhan yahay (Photo Group) waxaa sawirkaas ka dhex muuqday Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac.

Diidmada Itoobiya ee shirkii shalay ee IGAD ayaa muujinaysa sid ay Itoobiya u dareemayso ciriiri siyaasadeed, oo aysan fagaare ula tegi karin heshiiskii is-afgarad ee 1-dii bishaan ay Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ku gaareen Addis Ababam

IGAD oo qeyb ka tahay Soomaaliya ayaa shalay meel adag ka istaagtay xad-gudubka dowladda Ethiopia ay ku sameysay madax-banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo u hiiliyey Soomaaliya.

Shir-madaxeedkaasi oo ahaa kii 42-aad ee ururka-goboleedka IGAD, ayaa waxaa lagu adkeeyay in heshiis walba oo Soomaaliya lala galayo ay waajib tahay inay saxiixdo dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waa in la xushmeeyo dhamaan mabaadiida aas-aasiga ah ee xushmada karaamada, midnimada iyo xuduuda dhuleed ee dawladda federaalka Soomaaliya, iyo in hashiis kasto lagu dhawro madaxbanaanidaas. Sidoo kale heshiis kasta waa in la hayo ogolaanshaha dawladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirkii shalay ee IGAD.