Abshir Kaaraan: “Guryaha ayaan ugu geleynaa ciddii aan ku helno amni darro”

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud “Abshir Kaaraan” ayaa digniin u jeediyay cid kasta oo amni darro ka wada degmada, isaga oo sheegay inay guryaha ugu geli doonaan qofkii lagu helo fal amni daro. 

Abshir Kaaraan ayaa sheegay in ciidamada amniga ee degmada Kaaraan ay billaabeen roondo lagu sugaayo amniga degmada, kadib markii ay soo bateen cabashooyinka kooxo dhalinyaro ah oo xaafadaha degmada ka geysta weeraro loo adeegsado dhagxaan, ulo iyo mindi, hase ahaatee maalmihii danbe hoos u dhacay kadib markii ciidamada ammaanka ay xabsiga dhigeen qaar ka mid ah kooxihii falalkaasi ka geysan jiray degmada.

Dhanka kale, guddoomiye Abshir Kaaraan wuxuu ka warbixiyay qarax shalay ka dhacay dhanka bari ee degmada oo lala eegtay gaari uu la socday sarkaal ka tirsan waaxda canshuuraha, qaraxaasi oo dhaliyay dhaawac iyo burbur soo gaaray gaariga.

Lix qof oo loo soo qabtay qaraxaasi, ayuu sheegay in wax danbi ah lagu waayay kadib markii ay baaris ku sameeyeen ciidamada booliska ee degmada Kaaraan, lana sii daayay.

Wuxuu kaloo Abshir Kaaraan sheegay in ciidamada amniga ay la dagaalameen kooxo iska dhigaya Al-Shabaab oo dadka baad ka qaadi jiray bilihii lasoo dhaafay, kuwaasi oo ciidanka ay ugaarsadeen.

Guddoomiye Abshir Kaaraan ayaa sidoo kale u digay burcadda xilliyada habeenkii dadka isbaareysta, isagoo sheegay in cid kasta oo dhac ka geysata degmada la garanayo, qofkii lagu helana dhac dadweyne inay guryaha ugu geli doonaan si loola xisaabtamo.

Ugu danbeyntii wuxuu guddoomiyaha degmada uu ka codsaday shacabka ku dhaqan degmada in ay la shaqeeyaan laamaha amniga soona wargeliyaan wixii dhibaato ama amni daro ka geysanaya xaafadahooda si loo soo qabto.