Sidee madaxda dalalka waa-weyn u badbaadayaan hadii uu dhaco dagaal Nukliyeer?

Washington (Caasimada Online) – Markii uu bilowday dagaaalka uu Ruushka ku qaaday dalka horay uga go’ay ee Ukraine, madaxweyne Vladimir Putin wuxuu ku hanjabay inuu heegan geli doono ciidamada sida gaarka ah u qaabilsan Nukliyeerka, taas oo sare u qaaday cabsida iyo welwelka caalamka oo dhan oo ah in adduunku uu galo dagaal dhanka Nukliyeerka ah.

Su’aasha ugu badan ee la is waydiinayo ayaa ah waa maxay tallaabooyinka ay qaadi doonaan hoggaamiyeyaasha wadamada waaweyn haddii uu qarxo dagaal-ka Nukliyeerka?.

Madaxda wadamada waaweyn ee Adduunka ayaa hadda ka fakaraya habka ay u badbaadi karaan haddii uu bilowdo dagaalka Nukliyeerka, wuxuuna Mareykanku noqday dalkii ugu horreeyey ee tijaabiyey diyaarad lagu badbaadin karo madaxda.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo Ruushka leeyihiin ayaa waxaa ka mid ah diyaarado si adag loo xoojiyay oo lagu magacaabo (Doomsday Planes), kuwaas oo si gaar ah loogu dhisay madaxda iyo saraakiisha sarsare haddii uu dhaco dagaal Nukliyeer ah.

Tani ma ahan dhamaadka filimkii Leonardo DiCaprio ee ” Don’t Look Up”, markii madaxweynaha Mareykanka iyo shakhsiyaadka saameynta leh ay ku safreen hawada sare, ugana sii talaabeen meeraha kale kadib markii uu dhulka kusoo dhacay Meteor oo ah walax yar ama dhagax yar, kana mid ah nadaam qoraxeedka Adduunka, kuwaas oo hadey dhulka kusoo dhacaan halis weyn galin kara jiritaanka bani’aadamka, balse waa arrin xaqiiqo ah.

Shabakadaha dabagalka ku sameeyo duulimaadyada milatariga ayaa muujiyay in Diyaaradda Boeing-747 oo ah diyaarad loogu tala galay madaxda Mareykanka oo is bedel lagu sameeyay ay ka duushay saldhigga ciidamada cirka Mareykanka ee Lincoln 28 Bishii February oo ku beegneyd 4 Maalin kadib markii uu bilowday weerarkii Ruushka ee Ukraine.

Diyaaradda tijaabada lagu sameenayey ayaa u safartay magaalada Chicago ka hor inta aysan mudo kooban kusoo laaban sida laga soo xigtay Shabakadda Daily Mail ee British-ka ah.

Diyaaradaan ayaa waxaa la socday laba diyaaradood oo nooca Cobra Bull ah kuwaas oo awood u leh la socoshada Gantaalada Balaastiigga ah iyo halka ay marayaanba, sidoo kalana dhowr diyaaradood oo kuwa Militariga ah ayaa wehliyey.

Dowladda Mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in diyaaradeeda ay u dirtay duulimaad tababar ah kadib markii ay soo yeertay hanjabaadii Nukliyeerka ee madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in diyaaradda ay u qalabeysan tahay Madaxweynaha Mareykanka iyo saraakiishiisa sare oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Difaaca iyo Taliyeyaasha Ciidamada si ay u adeegsadaan haddii uu qarxo dagaal Nukliyeer ah ama la galo xaalad degdeg ah iyo halis weyn.

Diyaaradaan ayaa la isticmaali doonaa marka ay xaaladda meel xun gaarto isla markaasna laga fursan waayo in la badbaadiyo madaxda Dowladdaha waaweyn sida Mareykanka iyo wadamada.

Diyaaradaan ayaa ah mid loo diyaariyey hab casri ah, waxaana nooceeda lagu sheegay mid naadir ah oo aan laga heli karin adduunyada.

Waxyaabaha ay gaarka ku tahay diyaaradaan ayaa waxaa kamid ah inay Hawada ku duuli karto 7 Maalmood oo xiriir ah, sidoo kalana waxaa shidaalka lagu shubi karaa iyadoo hawada ku jirto lana isticmaalayo diyaarado kale.

Diyaaradaan ayaa u diyaarsan inay duusho daqiiqad kasta, waxayna ka kooban tahay 3 Dabaq, waxaana halkii marba raaci kara 112 Qof.

Waxyaabaha ay gaarka ku tahay waxaa kaloo kamid ah in lagu xiray qalab casri ah oo u suurta gelin kara iney u adkeysto  Electromagnetic-ga.

Awood ahaan waxay ka sareysaa midda Maraakiibta difaaca cirka ee Maraykanka, waxay iska difaaci kartaa weerarada Nukliyeerka, Meteor-ka iyo danabyada.

Diyaaradaan ayaa waxay la socon kartaa lana xiriiri kartaa goob walba oo ka tirsan dhulka, xataa maraakiibta Gujisyada ee Biyaha Badweynta hoos quusta haddii ay is gaarsiinta ka go’do waxay awoodaa inay xiriir la sameyso, wuxuuna qiimahadeeda Suuqa hadda ka marayaa 223 Million Dollar.