Saddex arrin oo caqabad ku ah musharaxnimada Deni

Garowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Isagoo hadal ka jeedinayey xafladda gunaanadka doorashadii labadii Aqal ee lagu qabtay Garowe, wuxuu Saciid Deni sheegay sababta uu u doonayo xilka Villa Somalia iyo inuu rabo mira dhalka wixii uu ka shaqeenayey 3-dii sano ee lasoo dhaafay.

Maalmo badan ayuu huuris ahaa mashruuca Saciid Deni, laakiin sida uu u maamulay doorashadii labada Aqal ee ka dhacday Puntland ayaa qof walba siineysay natiijo horudhac ah oo ku saabsan inuu Deni Xamar u soo socdo.

Waxa uu kala kulmi doono magaalada Muqdisho waa mid aan laga hordhici karin, laakiin cabaqado badan ayaa daadsan wadadiisa ololaha.

Deni wuxuu si aan leexleexad laheyn u sheegay in ujeedkiisa ugu weyn uu yahay in Farmaajo uusan kusoo laaban Villa Somalia.

Wuxuu sheegay inay iska kaashan doonaan cid walba oo aragtidaas qabta. Dariiqa uu Deni soo qaaday in Farmaajo lagu badali karo dood ayaa ka taagan, laakiin farriintii Saciid Deni ee xalay waxaa ku jirtay mid uu kula hadlayey xubnaha u sharaxan xilka madaxweynaha ee raadinaya in sidoo kale Farmaajo la bixiyo.

Haddaba Deni caqabad ma kala kulmi karaa mucaaradka Muqdisho fadhiya?

Saciid Deni iyo mucaaradka Muqdisho islama hayaan waayadaan, mucaaradka waxay filayeen in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay wax ka siin doonaan kuraasta ay maamulayaan, si ay rajo sare u yeeshaan, laakiin Saciid Deni waa diiday inuu kuraasta wax ka siiyo xubnaha mucaaradka ah ee Muqdisho jooga.

Deni maadaama uu damac galay kursi walba naftiisa ayaa jamatay, hadda mucaaradka waxay is waydiinayaan sida ay mar kale Saciid Deni wax iskula dhisan karaan, waana cabaqad xoog leh kala aamin baxaan.

Sheegashada ku saabsan inaan Deni lagu badali karin Farmaajo ayaa iyaduna xooggan. Dadka Soomaalida ah badankood marka la isku barbardhigo cidda Villa Somalia mudan Saciid Deni iyo Farmaajo waqti ma gelinayaan inay ku dhahaan Farmaajo.

Inkastoo aan la aqoon cidda iibisay aragtidaan, haddana dadka waxay isticmaalayaan caqabadaha uu Saciid Deni gacantiisa ku maleegtay maalmihii uu joogay Puntland, sida weerarkii dhimashada sababay ee lagu qaaday baarlamaanka Puntland, xubnihii laga eryey baarlamaanka, sida uu u abuuray khilaafka dowladda federaalka iyo Puntland, duulaankii khasaaraha badan dhaliyey ee Boosaaso iyo hadda oo uu qabtay mid kamid ah doorashooyinkii ugu fadeexadda badnaa dalka.

3-Saacadood oo kaliya ayuu Deni ku qabtay doorashada 16-kursi oo taalla deegaan doorashada labaad ee Boosaaso, sidoo kale hal ergo oo isku nooc ah ayaa lagu eedeenayaa Deni inuu u adeegsaday doorashadaas.

Cabaqadda kale ee Deni hor-taalla waa aragtidiisa siyaasiga ah. Saciid Deni iyo Farmaajo waxaa la sheegaa inay ka siman yihiin aragtida siyaasadeed ee ah in la kala adkaado.

Farmaajo wuxuu tijaabiyey inuu cid walba xoog u sheegto, inta badan waa u mari weysay arrintaas, xataa wuxuu dagaal geliyey caasimadda Muqdisho.

Saciid Deni intii uu joogay Puntland wuxuu galay mid kamid ah dagaaladii ugu qaraaraa deegaanka, kaas oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Waxaa la sheegaa inuu Deni aaminsan yahay siyaasad ku dhisan is maquunin iyo kala adkaasho, taas oo ay adag tahay in xilligaan lagu dabaqo Soomaaliya.

Dadka degan magaalada Muqdisho oo ah halka lagu dhaqo dowladnimada Soomaaliya waxay is waydiinayaan waxa ka dhallan kara haddii hoggaamiye ciidan aaminsan ay ku bedalaan mid kale oo kaga sii dheereeya aragtidaas.

Fursadda doorashada Soomaaliya ma ahan in xildhibaan loo boobo kursi, iyadoo laga raadinayo cod, waxaana la eegayaa sida uu Saciid Deni isku ogoleysiin karo calaamadihiisa iyo caqabadaha yaalla magaalada Muqdisho.