Abu Bakar Al-Baghdadi oo ka baxsaday Iraq iyo Syria, laguna arkay waddan kale

Baghdad (Caasimada Online) – Hogaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar al-Baghdadi ayaa u baxsaday dalka Afghanistan, isaga oo sii maraya dalka Iran, warbixin soo shaac baxday maanta ayaa sidaas shaaca ka qaaday.

Al-Baghdadi ayaa la rumeysan yahay inuu gaaray gobolka Nangarhar oo ku yaalla bariga magaalada Kabul ee caasimadda Afghanistan, kuna teedsan xuduudka dalka Pakistan.

Ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka dalka Pakistan ayaa sheegay in Al-Baghdadi uu soo maray magaalada Zahedan ee dalka Iran oo dhinaca koonfur galbeed xuduud kala wadaagta dalka Afghanistan, sida uu qoray wargeyska caanka ah ee Asharq Al-Awsat.

Asharq Al-Awsat ayaa intaas ku daray in la rumeysan yahay in Al-Baghdadi uu u baxsaday Afghanistan si uu uga badbaado howlgalka ay toddobaadkii tagey billaabeen ciidamada isbaheysiga caalamiga ah, oo taageeraya kooxaha mucaaradka Syria.

Warar is-khilaafsan ayaa dhowaanahan kasoo baxayey halka uu ku sugan yahay Al-Baghdadi. Bishii August, hogaamiyaha Daacish ayaa jeediyey khudbaddiisa ugu horreysay kadib sanad uu aamusnaa, isaga oo taageerayaashiisa ugu baaqay inay dagaalka sii wadaan, inkasta oo ay la kulmeen guulo-darrooyin. Ma cadda halka lagu duubay muuqaalkaas.

Al-Baghdadi ayaa sidoo kale dhowr mar la sheegay in la dilay, ayada oo ay ugu dambeysay bishii July. Si kastaba, Mareykanka ayaa ku adkeystay in warbixinadooda sirdoon ay sheegayaan inuu weli nool yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Baghdad
Caasimada@live.com