Xildhibaan lagu tuhmay sii daynta DADKII gubay Axmed Dowlo oo hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xuseen Iidoow oo ka mid ah mudanayaasha Golaha BFS ayaa si kulul uga hadlay wararka sheegaya in Xildhibaano uu isaga ka mid yahay ay ka shaqeynayaan sidii lagu sii deyn lahaa qoyska marxuumkii la dilay kadibna la gubay.

Xildhibaan Xuseen Iidoow, ayaa beeniyay in uu ka shaqeynaayo deysmada qoyskaasi waxa uuna taa bedelkeeda tilmaamay inay muhiim tahay in sharciga loo daayo arrintaasi.

Waxa uu arrin been abuur ah ku sheegay inuu damacsanyahay in uu damiin ku sii daayo qoyska gubay marxuumka, hase yeeshee waxa uu dhaliisha ceynkaasi ah ku sheegay mid aan caafimad qabin.

Eeda ka qeylsiisay Xildhibaan Xuseen Iidoow waxa ay ka danbeysay kadib markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow uu sheegay in ay jiraan Xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka shaqeynaya in dadkaasi dameen lagu siidaayo.

Intaa kadib waxaa suuq galay in Xildhibaanadaasi uu kmaid yahay Xildhibaan Xuseen Iidoow, hase yeeshee waxaa ka jawaab bixiyay Xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa Boggiisa Facebook-gga ku soo qoray qoraalkan oo uu isaga fogeynaayo eedeymaha dhex baahay baraha bulshada;

DACAAYAD RAKHIIS AH!!

Tacdiga iyo dhibaatada loo geystay walaalkeen marxuum Axmed Dowlo aad ayaan uga xumahay, waxaana qabaa in sharciga deg deg lagu horkeeno ruuxi geystay tacdiga nuucaas ah.

Waxaan sameyn doonaa sharci looga hortegayo arimaha heyb sooca si tacdiyada nuucaan ah looga hortago.

Cida u xusula duubaneysa deysmada qofka ka danbeeyay dilka marxuumka ayey dhibeysaa waxaana ku talinayaa in sharciga lagu abaalmariyo dadkaas.

Xildhibaan Xuseen Iidoow, waxa uu muujiyay in dowlada Somalia laga doonayo in xushmad shaqsiyadeed aysan kusii deyn qoyskaasi, balse ay muhiim tahay in sharciga la horgeeyo.

Qoraaka uu Xildhibaan Xuseen Iidoow isaga fogeynaayo eeda ku aadan inuu kaalin ka qaadanayo deysmada qoyska ayaa timid kaddib Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo hadalka xildhibaanka kaddib hadlay oo beeniyay in uu isaga ula jeeday Xildhibaanka Baraha bulshada lagu eedeeyay,waxa uuna yiri sida aan qoraaladeena hore ku sheegnay:

Ma haboona in la siyaasadeeyo warkii ahaa in caddaalad la soo saaro danbiilayaashii ka danbeeyey falkii waxuushnimada ee loo geystay marxuum Axmed Dowlo oo Xildhiban Xuseen Iidow wax lug ah kuma laha damaanad raadinta falgaboodkan waana la siyaasadeeyey.

Guddiga arrimaha bulshada iyo Golaha shacabka Soomaaliya ayaa shalay guddi u saaray in baaritaan lagu sameeyo arrinta dilka  iyo gubidda ah natiijadana lagu soo celiyo golaha shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaa wada dadaal Maxkamad lagu soo taagayo qoyskii ka danbeeyay dilka iyo gubista Marxuumka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com