Wasiir dibadeedka hore ee Somalia oo dalbaday in la shaaciyo QABIILKA dadkii gubay Axmed Dowlo (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdi Salaan Cumar Hadliye ayaa dalbaday inaan la qarin oo shaaca laga qaado qabiilka ay kasoo jeedaan dadkii dilay kadibna gubay Axmed Dowlo.

Axmed Mukhtaar Saalax ayaa toddobaadkii tagey lagu dilay baangado kadibna la gubay, kadib markii wiil uu adeer u yahay uu guursaday gabar kasoo jeeda beesha Abgaal, balse hooyadeed ay ahayd Murusade.

Reerka gabadha ee Abgaal ayaa gabadhooda ka furtay wiilka una diiday, kana fogeeyey, balse markii laga reebi waayey iska siiyey wiilka. Si kastaba, qoyska hooyadeed ee Murusade ayaa taas qaadan waayey kuwaas oo kadib weeraray adeerkiisa oo dilay kadibna gubay.

Si kastaba, warbaahinta Soomaalida, ayaa ka gaabsanayey inay magacaaban qabiilka dhibka gaystay.

Qoraal uu soo dhigay Twitter ayuu Hadliye dadka dhacdooyinka wax ka qora [Suxufiyiinta] ku dhaliilay inay kaliya sheegayaan qabiilka Axmed Dowlo ee Jareerweyne balse aysan sheegeen kuwa dhibka gaystay.

“Dadka wax ka qoraya dilka Muqdisho, maxaynaan u sheegeen magacyada dadka dambiga foosha xun u gaystay walaalkeen Axmed Dowlo, ama aynan u shaacineen qabiiladooda, maadaama aan mar walba ka hadleyno qabiilka Axmed. Yaa yiri wuxuu kasoo jeedaa qabiil laga tiro badan yahay. Ma waxaa jira tira-koob la sameeyey”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com