Madaxweynaha DDSI oo hanjabaad culus diray

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhameystir la’aanta howlaha magaacibadda hoggaanka maamulkiisa.

Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sheegay in muddo 5 cisho gudahood lagu soo dhisi doono maamulada degmooyinka waxa uuna garwaaqsaday inay jirto qabyo dhanka maamulka ah.

Mustafe Muxumed Cumar, waxa uu sheegay inuu dib u dhac ku yimid dhamaystirka howlaha magaacibadda hoggaanka maamulkiisa balse ay ku dhameystiri doonaan muddo kooban.

Madaxweynaha waxa uu amar ku siiyay Taliska Booliska maamulka inaysan u dul qaadan cid kasta oo carqaladeynayso ammaanka isla markaasna sharciga lala tiigsado dadka doonaya inay amni darrada abuuraan.

“Waxan Taliska iyo Saraakiisha Booliska ku amrayaa inay dhaqan galiyaan sharciga, waa in cid waliba oo qalqal amni ku heysa deegaanka la dhigaa halka sharciga xarunta u ah”

“Yeeli ma doono in la qalqal galiyo amniga waxa aan qirayaa inaan mas’uuliyada amniga kula xisaabtami doono Booliska”

Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sidoo kale sheegay inay iska ilaalinayaan inay xadgudub sameeyaan balse tallaabo laga qaadani doono cid kasta oo wadata calanka urur aysan horey uga tirsanaan jirin, sida uu hadalka u dhigay.

“Cidii isku daydaa in calan aysan ururkeed ka tirsaneyn ku ololeysa waxaa la marin doonaa sharciga, waa in qof walba uu ka adkaada naftiisa”

Si kastaba ha ahaatee, haddalkaMustafe Muxumed Cumar ayaa imaanaya xilli saacadihii la soo dhaafay uu iska hor imaad aan waynayn uu ka dhacay xarunta qeybo kamid ah magaalada Jigjiga kaa oo u dhexeeyay dhalinyaro sitay calanka ONLF iyo kuwo kasoo horjeedo.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
Caasimada@live.com