“Wax badan baan is lahaa Soomaaliya cunsuriyad ka ma jirto..laakiin waa jirtaa”

Soomaliya wax badan baan is lahaa Cunsuriyad kama jirto oo dadku waa isku diir , isku dhaqan iyo isku af ..laaakin socodka cajaladda taariikhda run bey ka sheegayaan haddii ay tilmaamaan heyb sooc baahsan oo saameyn ku leh dhaqanka dadka .

Waxa ay socodka cajaladda taariikhdu kugu xukumayaan in aad rumeysato in Soomaaliya ay jiraan dad kala sarreeya oo qaarkood qaarka kale ee ay isku ayniga yihiin yaso oo hoos u eego iyadoo aaney jirin wax farqi ah oo muuqda oo u dhaxeeya .

Dhaqamadaas hooseeya ee taqliidga ah kuna dhisan badownimada iyo aqoon-diin la’aanta weli waxay hareynaynayaan oo ka jiraan meelo Soomaaliya ka mid ah oo jaranjarada dhaqanka ay dadka u kala qaaday GUN IYO GOB, aan la ogeyn meel laga soo tixraacay marka laga reebo sheekooyin quraafi ah iyo kutiri ku teen ka fog xaqiiqda cilmina aan ku dhisneyn.

Dhaqankaas aflagaadada iyo yasidda ku yimid ayaa xilligan oo aynu joogno qarnigii 21aad ay dadka qaar doonayaan in ay u isticmaalan xaqiiqda nolosha kuna dumiyaan nolosha qowmiyado dhan oo ku nool Soomaaliya oo awood waxqabad iyo waxtar ku leh bulshada dhexdeeda.

Maanka dadka ku nool dunida xilligan ma qaadi karo in ay jiraan dad wanaagsan iyo dad xun isir ahaan, dad sarreeya iyo kuwo laga sarreeyo, , dad daciif ah oo liita iyo dka ad xooogan oo awood leh.

Muxuu ku fekerayaa qofka xilligan qaba in uu yahay qof dun sarreysa oo xariir ah uu ka sameysan yahay kan kalena u heysta in laga abuuray dun lufad ah , qaab daran oo aan qiimo laheyn.

Boon, Midgaan, Jareer iyo cid kasta oo la itaal ah ma waxaa loo asteeyey YARUURAC, aan xitaa loo quurin in in cad u qalma ay ka helaan xitaa maamulada tuulooyinka ugu yar yar dalka lagana ilaaliyo wax kasta oo ay sharaf ku mudan karaan. Ma tan baa tan keentay in asaagood beelaha kale ay bar ka noqdaan oo aan beelo buuxa loo aqoonsan.

Cunsuriyadda aan is lahaa kama jiri karto Soomaaliya..waa ka jirtaa waayo seere ama xuduud ayaa u kala yaalla beelahaas la xaniinyo siibay iyo kuwa kale oo goodiskoodu ku salysan yahay hub iyo awood .

Maxaan kaga duwnaan karnaa Caddaankii Koofur Afrika xoogga ku heystay iyo Madowgii silicaan ogeyn la soo mariyey ee kelyo adeyg iyo niyad bir ah ku jabiyey heeryadii cunsuriyadda ee dulsaarnaa.

Haddii Soomaalida xilligan dad u gubeyso isma geyno iyo gabadheyda uma qalmo jareer iyo midgaan , arrintan ma laga yaabaa aakhirka in ay Somaalida labo janbi ama labo gees u kala jabiso oo uu abuurno dareen halgan Soomaalida dhexdeeda ah oo ay qolo ku sifoobeyso cunsuriyiin aan waxba ka duwaneyn kooxaha KULUKLIX Clan ee Ku can baxay heybsooca ama ka daran.

Bulshooyinkan ma ahaanayaan kuwo mar walba laga awood roon yahay oo sidii xilliyo horeba ay u ahaayeen awood jirta ayey dhici kartaa in ay ka baxaan baraarug la’aanta ilaa Soomaalidu boogta soo wada taabato lana gaaro in ay kacaan dabeylaha isbedelka , waqtiguna ka wareego dadka maanta ka gacan sarreeya.

YAA JAREERWEYNIYA..YAA MIDGAANIYA inta aan xabarwacashadu gaarin , dadkna wax aaney mudneyn yaan lagu dayin ..

Qeyladu maanta meel walba wey wada gaartay ..beelahana lagu xalin karo GACMO GEEL JIRE HOOS BAA LOO DHAQAA ee waa in Soomalliya lagu arkaa dhowris dhab ah oo xuquuqda aadanaha ah haddii kale xukuumadaha jira waxay hoosta ka riixayaan mustaqbalka isir sifeyn lagula kaco dadka ..laakin taas maaha mid socon karta.

W/Q: Maxamed Shiil