Cawad oo Soomaalida ugu baaqay ka faa’iideysiga fursad usoo baxday (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Somalia Axmed Ciise Cawad, ayaa shaaca ka qaaday in Umadda Soomaaliyeed laga doonaayo inay ka faa’iideystaan hiilada uu adduunka la garabtagan yahay.

Wasiirka oo maalmahan ku sugnaa magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in wasaaradiisa ay buuxin doonto booska Madaxweynaha waxa uuna tilmaamay in shirka sanad laha ah ee QM uu ahmiyad gaara u leeyahay Somalia.

Waxa uu sheegay in mudada uu joogo magaalada New York ee dalka Maraykanka ay wada kulmeen madax kala duwan, hase yeeshee waxa uu cadeeyay in adduunka oo idil uu u heelan yahay Somalia, balse cida la doonayo inay ka faa’iideysato ay tahay Soomaalida.

Wasiir Cawad waxa uu tilmaamay in Umadda Soomaaliyeed laga doonaayo hal arrin oo kaliya taa oo ah inay dhexda u xirtaan sida ay uga faa’iideysan lahaayen adduunka.

“Waxaan arkay adduun u heelan Somalia, waxa aan umadda Soomaaliyeed u sheegayaa in marka hore laga doonaayo keliya inay u istaagan ka faa’iideysiga adduunka oo aan is leeyahay waa tan kaliya ee lagu gaari karo horumarka”

Waxa uu Cawad carab dhabay in aduunka qudhiisa uu aaminsan yahay in Somalia ay cariirsaneyso booska ay kaga jirto dowladaha Africa, waxa uuna cod dheer ku sheegay in hormar lagu gaari karo Soomaali oo mideysan.

Sidoo kale, Cawad ayaa cadeeyay in madaxda uu la kulmay ay gabi ahaan Somalia u sameeyen ballanqaadyo waxa uuna dhankiisa ka sheegay inay xooga saari doonaan sida ay uga faa’iideysan lahaayen.

Si kastaba ha haatee, Somalia ayaa inta uu socdo shirka magaalada New York ee dalka Maraykanka madaxda adduunk ka iibin doonto isbedelada ka jira Somalia iyo baahida ay u qabto in la garab istaago.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com