Daawo Waraabe: Anigu Af Carbeedka ma aqaan xiligii masaaridu noo dhigi jirtay daaqada baan ka dhici jiray

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah UCID ee Somaliland ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland ay caqabad ku yihiin dowlado dhowr ah oo ka tirsan Jaamacada Carabta.

Waxa uu sheegay in calaaqaadka Somaliland kala dhexeeya carabta uu mar hore soo bilowday, balse aysan iminka la socon siyaasada adduunka ka socta.

Feysal isagoo tilmaamaya heerkiisa luqada carabiga ayuu yiri “Anigu af carbeedka ma aqaano, barigii ay Masaaradi noodhigi Jirtayna daaqadda ayaan ka dhici Jiray”

Feysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Somaliland ay ahmiyad gaara u leedahay inay ka faa’iideysato xiriirka ay la leedahay Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, isagoo ka faa’iideysigaasi ku tilmaamay mid horumar gaarsiinkara Somaliland.

“Anagu aqoonsigeena waxaa hortaagan dhowr dal oo koow ay ka tahay carabta, Siyaasada jaamacada carabta waxa ay aheyd siyasada Masar ee Niilka, waxa ay dooneysay inay jirto Somalia oo awood leh si Niilka ay uga xigsato Ethiopia”

Waxa uu Feysal sheegay in ictiraafka Somaliland ay tahay mid ku xiran midnimada gudaha ee Somaliland, isagoo tilmaamay in cid aan mideysneen aan la dooneynin.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in dulqaad ay u baahan tahay gaarista aqoonsi rasmi ah, balse uu rumeysan yahay in ictiraafkooda uu yahay mid ku imaankara xoojinta dowladaha carabta.

HOOS KA DAAWO FEYSAL WARAABE OO ICTIRAAF BAADI GOOB UGU JIRA