Tariin dalka Ethiopia laga leeyahay oo xasuuq ka geystay xadka JABOUTI

Jabouti (Caasimada Online)-Tariinkan oo laga leeyahay dalka Ethiopia ayaa geystay xasuuq xoolo xili uu ka shaqeynaayay inta u dhexeysa wadamada Ethiopia iyo Jabouti.

Tariinkan ayaa mar qura dardaray 19 neef oo geel ah waxa uuna xiligaa ka shareecday magaalada Jabouti waxaana uu kusii jeeday magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Ethiopia.

Saraakiisha labada dal ee ka howlgasha xadka ayaa sheegay in Tariinka la xakameyn waayay sidaana uu ku geystay xasuuq xoolo.

Waxa ay sheegen Saraakiisha in xasuuqa kadib Dadkii saarnaa Tariinka magaalada oo gaarayay 250 Qof uu safarkooda ku imaaday dib u dhac 20 Saacadood oo xiriir ah.

Sidoo kale, labada dal ayaa isku afgartay in ay bixiyaan Magta Geela oo gaareysa $17,100 dollar, waxaana damaanad lagu sii daayay Tariinka.

Dowlada Ethiopia ayaa Tariinada ugu talo gashay in labada shacab ay uga maarmaan duulimaadka, waxaana arrintaani ku bogsaday danyarta oo idil.

Caasimada Online

Xafiiska Jabouti

Caasimada@live.com