Abuu Muscab oo war yaab leh ka soo saaray weerarka ka socda hotel Xayaat

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka howlgallada ee kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa goordhow ka hadalay weerarka ka socda Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dagaalyahano hubeysan ay gudaha u galeen fiidkii hore ee xalay.

Wuxuu sheegay inay aad ula socdaan xogta dagaalyahanadooda weli ka dhex dagaalamaya Hotel Xayaat, isagoo sabab ay u weerareen Hoteelkaas ku tilmaamay inuu ahaa goobta lagu qorsheeyo dabinada loo dhigo Al-Shabaab oo ay deganaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Abuu Muscab aya sheegay in ciidamada dowladda oo isku deyaya inay qabsadaan Hotelka ay maanta ilaa xalay soo qaadeen 15 weerar, balse ay iska caabiyeen xubnaha Al-Shabaab eek u jira gudaha Hotelka in ka badan 24-saac.

“Halkaas ciidamo fara badan ayey kusoo uruuriyeen, mar kastana ciidan cusub ayaa la soo galinayay goobta, waana la jebinayey, dhimasho iyo dhaawac badanna waan gaarsiinay,” ayuu yiri Cabdicasiis Abuu Muscab oo wareysi siiyey warbaahinta Al-Shabaab.

Sidoo kale ninkaan u hadlay Al-Shabaab wuxuu sheegay in weerarka ay ku dileen dad ka badan 40 qof, isagoo ku faanay in dhaawacyaduna ay intaas ka badan yihiin.

“Hawlgalkan wuxuu yimid ayadoo Xasan Sheekh uu u qeylo dhaansaday xulufadiisa, isagoo sheegaya inuu Al-Shabaab burburin doono oo soo afjari doono, arrintaasi maanta waxay isku badashay, in ayaga xubnahooda iyo shaqaalihii dowladda halkaasi lagu baaba’iyo tacsi iyo geerina ay u taallo,”  ayuu yiri Afhayeenka howlgallada ee kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab.

Wuxuu sheegay in sidaan oo kale uu Farmaajo dagaal ugu iclaamiyey Al-Shabaab, markii uu yimid xukunka, “Waxaan gaarsiinay in maalinkii uu madaxtooyada ka baxayay aan madaafiic ku garaacno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Weerarka ka socda Muqdisho, gaar ahaan Hotel Hayat ayaa dhaafay goortii uu bilowday goorteedii kale, ciidamada ugu tababarka wanaagsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta ilaa xalay isku bedelayey, welina waxaa la soo afjari la’yahay dagaalyahano ka tarsan Al-Shabaab oo tiradooda aan la garaneyn, kuwaas oo xalay xoog ku galay Hotelka.