DF oo qaadatay go’aan lagu burburinayo Hotel Xayaat oo laga saari waayey Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey inay bixisay amar dhulka lagula simayo Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, halkaas oo habeenkii labaad ay si toos ah uga dagaalameyso koox ka tirsan Al-Shabaab.

Madaxda sare ee hay’adaha amniga ayaa caawa gaaray goobta waxayna amreen in howlgalka deg deg loo soo afjaro, intaas kadibna ciidamada ku sugan goobta waxay bilaabeen diyaarinta qorshe lagu burburinayo dhamaan Hotelka.

Saraakiil amni ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladdu amartay in Hotelka lagu dumiyo raga ka dhex dagaalamaya Hotelka, markii uu soo baxay amarkaas kadib waxaa la maqlay seddax jug oo xoog leh, kuwaas oo la aaminsan yahay inay bilow u yihiin howlgalka burburinta ah.

Durbadiiba waxaa baraha bulshada is qabsaday walaaca dadku ay ka qabaan in khasaare laxaad leh uu ka dhasho, qorshaha la doonayo in lagu dumiyo Hotelka, maadaama laga saari waayey raga ka dhex dagaalamaya.

Ilaa seddax nin ayaa la sheegay inay gaarayaan dagaalyahanadu, waxaana la rumeysan yahay in dad shacab ah oo weli nool ay ku go’doonsan yihiin qeybo ka mid ah Hotelkaan la qorsheeyey in dhulka lala simo.

Ciidamada weriyaasha iyo dhamaan dadkii ka ag dhowaa Hotelka, ayaa la isugu geeyey isgoyska Taleex, waxaana loo sheegay inay ka fugaadaan goobta, maadaama dhismaha Hotelka loo adeegsa rabo, hub culus iyo qaraxyo lagu burburinayo.

Isku daygaan wuxuu galaafa karaa nolosha dad la aamisan yahay in noloshooda lasoo badbaadi karo, waxaana naloo xaqiijiyey in go’aankaan ay dowladdu qaadatay, markii ay ku guul dareysatay in la toogto dagaalyahanada Al-Shabaab.