Abuukar Cumar Cadaan: Ma aqaan sabab xorriyad loogu dabaal dego + Cod

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool magalada Muqdisho, ayaa waxa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhinacyada siyaasada, amniga dhaqaalaha iyo dib u heshiisiinta dalka.

Isaga oo wareysi siinayey idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in munaasabada loo dabaal degayo ee ku beegan sanad guuradii 58-aad ee midowgii iyo xurnimadii Somalia ee sanadkii 1960 ay aad uga duwan tahay xilligii ay soo bilaabatay ee 58 sanno ka hor.

Waxa uu sheegay in calanka Somalia ee xidigta shanta geeslihi ay ku taallo uu tilmaamayo shanta gobol ee Somalia ee uu gumeysigii kala qeybiyey, islamarkaana markii laba gobol oo Somalia ka mid ah ay ku midoobeen jamhuuriyadda Somalia ay cadaalad darri hareysay dowladihii dalka soo maray.

Waxa uu sheeghau in markii ay soo hartay jamhuuriyada Somalia qeyb ka mid ah ay yeelatay ilaa lix madaxweyne oo la sii kala jarjaray, waxa uuna ku baaqay halkii laga dabaaldegi lahaa in la doono walaalaha gobolada Waqooyi ee horseeday in la midoobo.

Wareysiga oo aad u dheeraa ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay daagaalka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku-heystaan maamulada Puntland iyo Somaliland, waxa uuna ku baaqay in dagaalkaas la joojiyo, si xal waara loo gaaro.

Hoos ka dhageyso codka ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com