Xog: Axmed Madoobe oo kursigiisa loogu yimid iyo xubno ku guuleystay inay…

Kismayao (Caasimada Online) – Madaxweynahan maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ayaa waxaa soo food-saaray walaac xooggan oo ku saabsan in xilkiisa uu halis ku jiro, sida ilo-wareedyo ku dhow ay u sheegeen Caasimada Online.

Kooxo mucaarad ah oo is-abaabulay ayaa ku guuleystay in Axmed Madoobe ay ka horkeenaan beelaha dega Jubbada Hoose iyo Kismaayo, oo qaarkood si cad u sheegay inay kasoo horjeedaan Madoobe, dalbadayna in xilka uu ka dego.

Mucaaradka ayaa shirar xooggan ka waday magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, waxaana hogaaminaya rag Axmed Madoobe ku beel ah, oo ay ka go’an tahay in xilka laga tuuro, ama marka waqtigisia dhammaado uu ka dego. Axmed Madoobe ayaa aaminsan in xukuumadda Somalia ay maal-galiso koxodan.

Axmed Madoobe ayaa dhinaciisana iminka billaabay inuu casuumo, oo uu wada-hadla la furo odayaasha beeshiisa iyo kuwa beelaha kale, isaga oo doonaya inuu kursiga kusii fadhiyo.

Waxa uu qeybinayaa, sida ay wararka sheegayaan, lacag badan, isaga oo sidoo kale qorsheynaya inuu isbeddel ku sameeyo wasiiradiisa, si beelaha qaar uu u qanciyo

Hoggaamiyaha  Jubbaland ayaa wararku ay sheegayaan inay ka go’an tahay inuu waqtiga kororsado marka xilkiisu dhammaado, hase yeeshee taasi ayaan sahlanaan doono, maadaama xitaa beeshiisa ay ku kacsan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com