Sacuudiga iyo JORDAN oo dacwad ERDOGAN ka dhan ah u gudbiyey YAHUUDDA

Qudus (Caasimada Online) – Sacuudiga, Jordan iyo maamulka Falastiiniyiinta ayaa uga digay Israel in saameynta Turkiga ee Bariga Qudus ay sii ballaaraneyso, sida uu shaaciyey waregyska Haaretz ee Israel.

Warbixinta ayaa sheegtay in saraakiil sare oo carbeed ay Israel u sheegeen in saameynta Turkiga ay kusii fideyo xaafadaha Qudus, taasi oo ay sheegeen inay qeyb ka tahay qorshe madaxweyne Erdogan uu ku doonayo inuu ku sheegto lahaanshaha Qudus.

Ilo-wareedyo Israeli ah ayaa sheegay inay ka warhayaan ballaarashada Turkiga, islamarkaana ay isha ku hayeen in ka badan sanad.

Warbixinta ayaa sheegtay in saraakiisha Jordan ay ka carroodeen jawaabta Israel ay arrintan ka bixineyso oo ah mid soo daahday, sababtuna ay tahay in Israel ay ilaalineyso heshiis ay Turkiga la galeen 2016-kii.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in gargaarka Turkiga uu ka wado Qudus, oo ay ka dambeeyaan kooxo islaamiyiin ah oo ku xiran xisbiga Erdogan ee AKP, uu yahay qorshe lagu qabsanayo Qudus.

“Turkish-ka ayaa hadda isku dayaya inay guryo ka iibsadaan Qudus, si awooddooda halkaas ay u baalaarato” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska Israel.

Jordan ayaa ka walaacsan in saameynta Turkiga ay meesha ka saari karto booska Jordan oo isku haysata inay ilaalo ka tahay dhulka saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka.

Dhinaca Sacuudigana, waxay ka walaacsan yihiin in damaca Erdogan ee Qudus uu sare u qaadi karo magaca uu ku dhex leeyahay carabta iyo islaamka, taasi oo ka dhigi karta in loo aqoonsado hoggaamiyaha kaliya ee Islaamiga ah ee u babac dhigi kara Mareykanka iyo Yahuudda.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com