Abuukar Cumar Cadaan: Maamul goboleedyada Itoobiya ayey u shaqeeyaan dowladdana waa inay Xasan Daahir Aweys….

Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed isla markaasna horey uga tirsanaa Madaxdii Midowgii Maxamakadaha Islaamiga ee mar la wareegay gacan ku heynta Soomaaliya ayaa ka hadlay xalaadda dalka Soomaaliya iyo halka ay mareyso siyaasadda.

Sheekha oo wareysi siiyey Radio Dalsan waxa uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Xaalada Siyaasadeed ee dalka, Amniga, Dhaqaalaha, Musuq maasuqa iyo Go’aankii  Mareykanka ee Trump uu Magaalada Barakeysan ee Quddus ugu aqoonsaday Caasiimadda Yuhuuda.

Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa ku sheegay inay yihiin kuwa ku shaqeeyo fikradaha dowladda Itoobiya, wuxuuna hadalkaan sheegay mar uu ka hadlayey xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Waddooyinka Muqdisho ay ka jiraan dhibatooyin badan oo ka dhashay Ciidamada joogo Kontaroolada Magaalada, wuxuuna tilmaamay in baaritaanadaas lagu qabo dhibaato badan, wuxuuna si gaar ah usoo hadal qaaday dhibaatada ay shacabka ku qabaan marka la xiro jidadka Muqdisho.

Ugu dambeyntii Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa codsaday in lasii daayo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Xabsi Guri ku jira tan iyo Dowladii uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo dhawr jeer diiday inuu wax ka badalo fikradiisa iyo waxa uu ka aamisan yahay dowladda Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka Sheekha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com