Sawiro: Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka

New York (Caasimadda Online) – Qarax ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada New York ee dalka Mareykanka gaar ahaan Busteejada laga raaco Basadka.

Ciidama Booliska ayaa xaqijiyey in qaraxaas loo qabtay hal qof kaasoo ah nin u dhashay dalka Bangladeshi, waxaana da’idiisa lagu sheegay inay tahay 27 sano jir.

Qaraxaas ayaa la sheegay inay fulisay Kooxda ISIS waxaana waxyaabaha qaraxa lagu arkay Calaamad muujineyso magacooda, waxayna Booliska sheegeen inuu yahay Qarax Argagixiso.

Waxaa la sheegay inay Qaraxaas ku dhaawacmeyn ilaa 4 qof oo uu ku jiro ninka laga shakinsan yahay, waxaana la xaqiijiyey dhammaan inay dhaawacyada yihiin kuwa aan cusleyn.

Qaraxaan ayaa kusoo aadayo afar berri ka dib go’aankii kasoo baxay Madaxweynaha Mareykanka Trump ee uu Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda dalka Israa’iil.

Ugu dambeyntii Dalka Bangladesh ayaa wuxuu kamid yahay wadamadii ay ka dhaceyn banaanbaxyadii ugu weynaa ee looga soo horjeeday go’aanka Trump, waxaana macquul ah inuu qaraxaan jawaab u yahay go’aankaas.