Qarax lagu dilay Wariye oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho + Sawir

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax lagu soo xiray Gaari ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kaa oo la sheegay in loogu xiray mid kamid ah Weriyayaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lasoo warinayaa in Gaariga loogu xiray Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow oo ka tirsanaa Wariyeyaasha ka howlgala Tv-ga Kalsan.

Xiliga Qaraxa Wariyaha ayaa maraayay Suuqa Kaluunka ee Degmada Wadajir, waxa uuna u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray Qaraxa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in marxuumka ay xiliga Qaraxa uu wehlinaayay Weriye kale oo lagu magacaabo C/fitaax Bidaar iyo laba canug oo uu dhalay Wariyaha marxuumka ah.

Wariyaha iyo labada Carruur ee la socday allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Gaabow ayaa ka badbaaday Qaraxa, keliya waxa uuna saameeyay goobta uu marxuumka ka fadhiyay Gaariga.

Sidoo kale, Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray qeybta dambe ee Kursiga Darawalka waxayna taasi ay sababtay in qaraxa uu ka haleelo qeybaha sare iyo qeybaha dhexe ee jirkiisa, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in uu kala go’ay Marxuumka dhintay.

Si kastaba ha ahaatee, Qaraxan ayaa kusoo beegmaaya xili mudooyinkaan laga reestay Qaraxyada lagu xiro gaadiidka raaxada.