Sawirro: Dabkii ka shidnaa California oo kusii faafaya dhul hor leh & Cabsida laga qabo oo sii kordheysa

Nairobi (Caasimada Online)-Waxaa aad looga deyrinayaa dabka todobadii maalmood ee lasoo dhaafay ka shidnaa koonfurta gobalka California ee dalka Maraykanka kaa oo kusii faafaaya qeybo hor leh.

Dabkan oo si xooli ah ku jaraaya masaafo dheer ayaa barakiciyay dad qiyaastii lagu sheegay 200 kun oo qof, kuwaa oo banaanka uga baxay guryihii ay degnaayen.

Magaalooyinka laga cabsi qabo inuu kusii faafo dabka ayaa waxaa kamid ah magaalada Santa Barbara oo dadkii degnaa ay bilaaben inay isaga sii baxaan, xili uu kusii siqaayo dabka.

Saraakiisha maamusha gaadiidka gurmadka ee dabdamiska ah ayaa sheegay inay kusii adkaaneyso daminta dabka awooda leh ee kusii faafaayo deegaano hor leh oo maalmo ka hor badqabay.

Waxa ay sheegen in dabka laga damin la’ yahay dabeylo xooli ah oo sii fidinaaya dabka, waxa ayna tilmaamayaan inaysan horay u arag dab ceynkaan ah.

Goobaha uu iminka gaaray dabka ayaa la sheegay inay kamid tahay Xaafada Bel Air ee magaalada Los Angeles.