Mucaarad iyo Muxaafid side bey u wada shaqeeyaan dunida dowladaha ka jira ee hore u maray

Qormadaan waxa aan rabaa in aan ku iftiimiyo sida ay u wada shaqeyn karaan mucaaradka iyo muxaafidka waddan kasta si dal loo horumariyo.

Horta waa in aan ogaanaa in qofwalba ama qolo kasta oo qabata maamulka dalka aysan marna noqon karin ceeb la’aan, maxaa yeelay ceeb laawe waa RABBIGII na khalqay oo kaliya.

Waxa ay tahay in la’ is weydiiyo haddii aad adiga oo mucaarad ah aad tartan gasho ee aad ku guuleysato, shacabka qaarka aan ku raacin iyo kuwii aad awoodda kaga adkaatay ee hadda mucaarad noqday, sidee baad jeclaan lahayd in ay u dhaqmaan waqtiga aad awoodda dalka hayso? Waxa aan filayaa in aad jeclaan lahayd in ay fursad ku siiyaan si aad waqtiga lagu doortay uga gun gaarto waxyaabihii laguugu dooray.

Markale in dowlad kasto oo awoodda qabato sidii loo dumi lahaa mooshin laga diyaariyo iyada oo ku jirta waliba waqtiyadeedii ugu horeeyey ma dalka iyo dadka ayey dan u tahay? Waxa aan filayaa in qof kasta oo maskax furan uu jawaabta fahmi karo.

Mithaal haddii aan u soo qaato dowladda maraykanka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Donald Tump, mucaarad malaha miyaa? Maxaa looga daba qayli la’ yahay iyada oo ay arkaan hab dhaqankiisa ay xataa ka maagsan yihiin kuwii uu aqalka cad soo geliyey, iyo go’aannada uu qaadanayo oo ay dhici karto in aan dalka Maraykanka dani ugu jirin mararka qaarkood, hadan waa sugayaan ku degdegi maayaan in ay mucaaradaan weyna awoodaan, laakiin horumarka dal kuma yimaado is bedbeddel fara badan oo lagu sameeyo madaxda sare ee dowladeed iyaga oo aan waqtigoodii qaadan haddii aysan la’imaan wax khatar muuqata dalka dadka iyo diinta ku ah.

Waxa loo baahan yahay in mucaaradku uu u sheego muxaafidka halka ay wax ka qaldan  yihiin, iyaga oo ka faa’iideysanaya qaladaadka maamulka taagana ay mustaqbalka marka dowrka kuwa hadda haayo dhammaado, soo ban dhigaan xalkooda. Haddii ay guusha helaanna waa in iyagana loo daayo lalana shaqeeyo muddada ay awoodda hayaan, loona sheego meesha ay wax ka xun yihiin. Sidaas ayaa waddan ku horumari karaa in qolo walba loo daayo waqtigeeda in ay dhameysato dhaliilaheedana looga faa’iideysto mustqbalka.

GUNAANAD

Waxa aan ku soo gunaanadayaa yaan shacabkaan dhibka ka soo daalay dana gaara dartood loo baab’in maslaxaddooda, waxa aan runtii qarsoomi doonin cidda maslaxadda dadka ka shaqeyneysa mucaarad iyo muxaafidba tii ay doontaba ha ahaatee, is la xisaabtanna waa uu jiri doonaa. Waxa kale oo aan raacin lahaa aan ka fogaanno wixii dalkeenna aan maslaxadi ugu jirin mucaarad iyo muxaafidba.

W/Q Dr. Axmed Calasow