Abwaan Weedhsame oo si adag u naqdiyay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo kamid ah hal-abuurka caanka ah ee reer Somaliland, ayaa si adag u dhaliilay Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Abwaan Weedhsame ayaa sheegay in xukuumada Muuse Biixi ay ka madhan-tahay milgaha talo wadaaga, isagoona ka dhawaajiyey in musuq-maasuqa ka jira xukuumadan uu marayo heerkii ugu sareeyay.

Weedhsame ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxtooyada Somaliland aysan u jeedinba waxyaabaha jirra oo ay ku hadaaqeyso sharciga sareeya iyo horaa loo soconayaa.

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay, wuxuuna yiri “Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waa mid aad u liidata oo ka madhan milgaha talo-wadaaga”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Heerkii musuquna “sidan maan moodayn buu marayaa.” Balse madaxtooyada cajalad baa u daaran ay ka baxayso heeso ay ka mid yihiin “Horaa loo soconayaa” iyo “Sharciga ayaa sarreeya”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com