AC Milan oo laga yaabo inay dib usoo ceshato Alessandro Nesta.

Waxaa jira warar xan ah oo lala yaabay kuwaas oo sheegaya in Alessandro Nesta uu bisha Janaayo kusoo laaban karo Milan inta uu xiran yahay horyaalka MLS-ka Mareykanka.

Halyeeyga daafaca ah ayaa ka tegay kooxda intii lagu jiray xagaaga ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisu wuxuuna bog cusub oo noloshiisa ciyaareed ah ka furtay kooxda ka dhisan Mareykanka ee Montreal Impact.

Sida laga soo xigtay wargeyska Sport Mediaset, madaxweyne ku xigeenka Milan Adriano Galliani ayaa Nesta ku qalqaalinaya inuu kusoo laabto San Siro markaasoo uu sedax bilood kooxda la joogi doono inta uu xiran yahay Horyaalka MLS.

Tani ma ahan markii ugu horeysay sidoo kale waxaa sameeyey David Beckham kaasoo inta uu xirnaa Horyaalka Mareykanku kasoo tegay LA Galaxy una ciyaaray Milan, halka si la mid ah Thierry Henry uu kasoo dhaqaaqay isla kooxda Mareykanka ka dhisan ee NY Red Bulls uuna ku biiray Arsenal.

Si kastaba, isbuucyo ayaa laga joogaa markii uu Nesta wareysi ku sheegay inuusan qorsheyneyn in inta uu MLS xiran yahay uu ku laabto Serie A.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.