Doorashadii xarunta BF ka dhacday oo si yaab leh loo musuq-maasuqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in hanaan Musuq-maasuq ay ku dhacday doorashadii Gudoomiyaha gudiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Baarlamanka FS.

Guddoonka BFS ayaa la sheegay inay lahaayen hanaankaasi musuq-maasuq, iyagoo la kala saftay musharaxiinta u taagnaa xilka Guddoomiyaha.

Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo kamid ah Xildhibaanada BFS, oo u waramaayay mid kamid ah Idaacadaha maxaliga, ayaa sheegay in la musuqay doorashada Guddoomiyaha.

Xildhibaanka ayaa sheegay in qudhiisa uu kamid ahaa Musharaxiinta balse doorashadu ay dhacday xili ay ku maqnaayen guryahooda.

Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar, ayaa intaa ku daray in Guddoomiyaha gudiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee BFS, la doortay xili Xildhibaanada lagu wargaliyay in doorashada ay dib u dhacday, balse markii ay baxeen saacado kadib Xildhibaanada lagu wargaliyay inay dhacday doorashada.

Waxa uu sheegay in Guddoomiyaha cusub uusan ku imaan sifo sharci ah, isla markaana loo baahan yahay in laga waantoobo musuqa.

Haddalka Xildhibaanka ayaa kusoo beegmaaya xili baarlamaanka dalka uu ku howlan yahay dhisida qeybaha kala duwan ee guddiyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com