Afar Caqabad oo hor yaala R/Wasaare Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo kulamadii ugu dambeeyay ee wadatashi ay ka socdaan madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya caqabado horyaala madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Caqabadaasi ayaa haddii madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ay ka gudbaan waxay soo dhisi doonaan xukuumad loosoo dhaweeyo sida iyaga loogu farxay.

Waxaana madaxtooyada ay ka wadaan kulamo kala duwan oo ay doonayaan inay kaga hortagaan caqabadaha laga yaabo inay dhibaato ku noqdaan.

Waxaa caqabadaha ay kala yihiin.

1 Qaabka ay beelaha hardamaya u siiyaan xilalka ugu muhiim xukuumada Soomaaliya.

2 Sida ay u maareeyaan xildhibaanada sanadkaan inaysan ka mid noqon wasiirada ama inay ka mid noqdaan.

3 Sida ay ukala saaraan xubnaha ka hor doorashada balanqaadyada loogu sameeyay iyo kuwa cusub ee doonaya iney wasiirada iska dhex arkaan.

4 Iyo Tirada ay ka dhigi doonaan golaha wasiirada cusub.

Arinta ugu muhiimsan ee isha lagu wada hayo ayaa ah afartaan qodob oo caqabad ku ah labada masuul inay soo dhisaan xukuumad cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com