Xog: Ahlu-Sunna oo ka dhex muuqan doonta golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo uu ballanqaad gaara u sameeyay Hogaamiyaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Hogaamiyaha u ballanqaaday in Ahlusunna ay ka dhexmuuqan doonto Golaha Wasiirada Xukuumada cusub waxa uuna taa bedelkeeda maamulka ku qanciyay inay la midooban maamulka Galmudug.

Farmaajo oo ku howlan mideynta Maamulada uu Khilaafka ka dhex aloosan yahay ayaa sidoo kale Hogaamiyaha maamulka ku qanciyay in Dowlada cusub ay ku yeelan doonaan Agaasimayaal iyo Waaxyo, waxa uuna ka dalbaday in Ahlusuna looga baahan yahay inay kasoo dabacdo halka ay iminka taagan tahay isla markaana si dhow ula shaqeeyan Dowlada cusub.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Shaakir, ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu Madaxweyne Farmaajo kuraasta kusiinaayo Ahlusunna waxa uuna tilmaamay in Dowlada cusub looga baahan yahay inay ka dhabeyso ballanqaadka si dhankoodana ay u sameeyan isbedel.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa wada qorsho ay Ahlusuna kula shaqeyneyso maamulka Galmudug, maadaama uu meesha ka baxay C/kariin Guuleed oo si aada ay uga soo horjeeden.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com