Si Farmaajo uu u fuliyo ballanqadkii uu shacabka ka qaaday waa in xukuumadda la dhisayo laga helo shuruudaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan la filayaa inuu Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre si rasmi ah ugu dhawaaqo golihiisa wasiirada oo ay sugayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed isagoo la kaashanayo madaxweyne Farmaajo.

Golaha wasiirada waa meesha ay ka kala socoto shaqada dowladda Soomaliya waxayna ku xiran tahay rajada shacabka ay ka lahaayeen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inay xukuumadaas noqoto mid laga fiirsado sidoo kalana xilalka loo dhiibo shaqsiyaad wadanka samatabixin karo.

Halka shuruud ee ugu weyn ee looga baahan yahay magacaabista xukuumada cusub waa in la qanciyo dhammaan beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed lagana qeybgeliyo golaha wasiirada iyadoo beelaha laga xulanayo shaqsiyaadka ugu tayada wanaagsan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo og rajada ay shacabka ka leeyihiin dowladiisa cusub ayaa wado wadatashiyo uu la sameenaayo odayaasha beelaha kala gadisan ee Soomaaliya wuxuuna xataa Muqdisho kasoo dejiyey Ugaaska Beesha Xawaaadle Ugaas Xasan.

Dadka falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa qabo inay lagama maarmaan tahay in xukuumadda cusub ay iska arkaan beelaha kala duwan ee Soomaaliya waana midda ugu weyn ee looga fadhiyo inuu Farmaajo qabto.

Madaxweynaha cusub ayaa laga soo sheegay inuu isbadal beeleed ku sameyn doono golaha wasiirada cusub taasoo ah arrin fiican oo ay soo dhaweyn doonaan shacabka Soomaaliyeed maadaama jaanis la siinayo beelihii aan waxba ka heli jirin awoodda dalka.

Beelaha ugu tunka weyn ee Soomaaliya ayaa xusul duub ugu jiro sidii ay u heli lahaayeen wasiirada loo yaqaan (A) oo ay kamid yihiin Wasiirka Arirmaha Gudaha, Amniga, Dibadda iyo Gaashandhigga.

Sidoo kale waxaa muhiim in inuu xukuumaddiisa cusub kusoo daro maamulka Ahlu Sunna Wal-Jameeca oo awood weyn ku leh gobolada dhexe.

Waxaa laga war sugayaa qaabka ay noqon doonaan wasiirada lasoo magacaabi doono asbuucaan ama asbuuca soo socdo waxaan halkaas laga ogaan doonaa qaabka iyo shaqada ay qaban doonto xukuumadda cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com